Muqdisho (Hubaal/Jam)-Xoggo aan si rasmi ah u soo shaac bixin oo lagu faafiyey qaar ka mid ah warbaahinta reer Xamar-ka, ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Maxamed Siciid Atom oo saraakiisha Ururka Al-shabaab ka mid ahaa, balse dawladda Muqdisho isku dhiibay la filayo in loo mustaafuriyo dhinaca dalka Jabuuti, halkaasoo lagu hayn doono xabsi dalka Japan ugu tallogalay dadka argagixisada ah ee Soomaaliya.
Sida wararka Muqdisho ka soo baxay sheegeen, dawladda Japan, ayaa xabsi weyn ka furtay dalka Jabuuti, kaasoo sida qorshuhu yahay loogu tallogalay inuu noqdo xarrun lagu hayo, laguna baadho argagixisada Afrika, gaar ahaan kuwa Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo arrintaasina sabab looga dhigay si looga maarmo in dadka Afrika iyo Soomaaliya ee argagixiso loogu tuhmo loo gudbiyo xabsiyo kale oo caalamka ku yaal, balse Jabuuti lagu hayo.
Sida xogaha la helay sheegeen, dadka xabsigaas lagu xidhi doono waxa ugu horreeya Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo dheer lagu hayey xarrumaha nabad-sugida Soomaaliya iyo Sheekh Atom oo madax u ahaa Al-shabaab-ka ka dagaalama buuralayda Galgala ee degaanka Puntland, kuwaasoo labadooduba isku dhiibay dawladda Soomaaliya, kadib markii ay ka goosteen hoggaamiyaha Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inuu six un ula dhaqmay, diinta islaamkana si qaloocan u adeegsanayo.
Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya, ayaa hadda gacanta ku haysa saraakiil iyo madax ka tirsanaa ururka Al-shabaab oo isugu jira Soomaali iyo ajnabi, kuwaasoo lagu hayo xabsiyada dambi-baadhista iyo Madaxtooyada, loona wareejin doono jeelka cusub ee dawladda Japan ka dhistay wadanka Jabuuti, iyadoo aan weli wax go’aan ah laga gaadhin xilligan tallaabadan dhici doonto, saraakiishaasna loo wareejin doono dhinaca Jabuuti.