Akhri: Xukuumada Oo Muujin kari La’ Wax-qabadkeeda+Ummadda Oo Musuqmaasuqii Fulinta La Gagabsan

0
29

Mushkiladaha siyaasadeed ee Somaliland wakhtigan lagu jiro ragaadiyay umadiina jiha wareeriyay ayaa runtii ah arin salka ku haysa kala wareegii talada kula, kala wareegeen udub iyo KULMIYE  oo eel badan reebtay. Waayo loolan kii doorashada ayaa ahaa mid ku qotomay dano gaar ahaaneed hadafkiisu.

golaha wasiirada somalilandLakiin umada loogu dhigay si qaldan oo ahayd in horumar la hiigsanaayo isbedel badana lala imanaayo dalkuna sidaas hore ugu tana qaado. Arintaasi oo keentey in gadood ka yimaad umada iyadoo isla wakhtigaas aduun weynaha aad loogu hayay isbedelka siyasadeed ee ka socday maraykanka oo markii u horeysay abid isu soo sharaxo jagada madaxweyne nimo nin madoow. Midhaas oo rajo badan galisay dhamaan hiigsigii siyasadeed ee siyasiyiintii ku noolayd aduunka oo iftiin iyo nal cusub oo u baxay unoqday dhami dunida sadexaad dawladahii ka jirey, sahashay in isbedel cusub dhamaan loo hanqal taago lagu dhaxlo halku dhigii barack obama u ahayd ololaha doorashadiisii “change we belive in” xisbiga KULMIYE na si aad ahna ugu adeegsaday doorashadii Somaliland oo run ahaantii dhaxalsiisay hogaanka dalka. Waayo umada waxaa ka hor yimi xisbiga udub oo in badan talada dalka hayay oo ka batay indhaha iyo dhegaha dadka iyadoo taas aay u raacday aqoontii iyo waxbarashadii umada oo korodhay dalkana laga hir galiyay jaamacado cusub oo fikirkii iyo aragtidii dhalinyarada xoog usii kobciyay kana yeelay qaar hiigsada hab maamulka dimuqaraadiyeed ee dawladaha ku geedaaman kana yeeley qaar aad ugu dheg taaga arimaha siyaasadeed ee dunida. Iyadoo aay jiraan xiisado badan oo siyaasadeysan oo qabyaaladi xoojinaysoo oo umada lagu kala qaybinaayo xiisadahaas oo usii yeelay dar dar xoogan ololaha, iyadoon dan laga lahayn cawaaqib xumida aay dhalin karaan una horseedi kara in burbur halkaa ka dhasho, lakiin xisbiga KULMIYE  waxii kaliya ee u muuqday ahaa in aay ama talada dalka hantaan amaba sidaa qaranimada Somaliland ku luntoo cidiba calafsan maamul wanaagay ku magac maashay. Waxaa lakiin bartaa ka dhashay isbedel aanay marnaba filanayn KULMIYE  oo ahayd talaabadii geesinimadu ku dheehnayd ee uu muujiyay madaxweyne dahir riyaale kaahin isagoo muujinaaya lexe jeclo iyo danaayn badan oo uu danaynaayay qaranimada iyo danta umada. Isagoo u raad samaynaayay inaan marnaba xukumadiisu jeclayn wax alaale waxii wiiqaaya danta umada iyo qaranka oo isaga run ahaantii hogaamiye ahaan aad ugu wayneyd, muwadinimadiisa iyo dal jacaylkiisana si wayn u muujisay iyadoo maanta siweyn mar walba loo dheehdo hadalkuu yidhi malintii xil wareejinta oo noqotay dhaxal gal umadu aad u dheehdaan hadalkaas oo ahaa”dal dhan iyo qaran dhan baan kugu wareejinayaa ee halaguugu yimaado”. Hadalkaas oo noqday mid taariikh wayn u noqda umada iyadoon madaxwayne siilaanyo aanu wali dhamaysan shantii sano ee u horeysay nabarna ku ah aay ka talaabsan kari waayaan iyagoo si walba ugu fashilmay nadaamkii maamul siyasadeed ee aay la yimadeen.

Waxeey KULMIYE  umadii dooratay dhaxalsiyeen qabyaalad, musuq maasuq, cadaalad la’aan iyo muran siyaasadeed oo iyagii kala qaybiyey. Runta marka loo noqdona waxaa maanta si weeyn usoo ifbaxday in danta kaliya ee KULMIYE  lahayd ahayd sidii hantida qarankani lahaa sidii loo hantiyi lahaa danta umadana loo dhici lahaa. Hadii aan halkaa aan sii faahfaahiyo waxaynu dhamaan wada ogsoonahay in marka wax qabad la yidhaa in aaynaan marnaba odhan karayn xukumadan waxba may qaban lakiin xaqiiqatan aay wax weeyn qabteen laakiin wax qabadkoodii waxaa ka dhigay mid aan umada iyo xisbiyada mucaaridka ah mid aanay xisaabsan oo saxaafadaha dalkana kaga mutaysan amaan iyo maamuus ayaa ah musuq maasuqa xad beelay ee qandaraasyadii qaran kan lahaa habka loo maamulo amaba loo maamulay ee sharciga iyo dastuurkii qaran baal marsan iyadoo dhami loo gacan galiyay “aalu siiraanyo” midhaas oo ka dhigtay xisbi xaakimka hada talada haya mid ku sifooba “qof dhaaminaya haan gun la'” iyagoo intaas hadh iyo habeen umadii uba muujin kari la’ wax qabadkoodii oo intaa tv ga qaran ku wax kaleba aanu siideyneyn daal badana ugu mutaysteen sidii umada ugu muujin lahayeen wax qabadkooda xukumad ahaan dhaqaale aad u badana ugu bixiyaa, nasiib daro lakiin indhaha umadu waa qaban wayeen waayo musuq maasuq ayaa ragaadshay u raacdo qabyaalad iyo kala qaybin hadh iyo habeen lala dhex qaadayo oo wax u dhintay siyasadii arimaha,gudaha, dibada iyo xidhiidh kii caalamiga oo go’doon ugu sugan.

By: Aaden Deeq

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here