AKHRISO:  Xukuumadda  Oo Si Habaqle Ah Uga Asaraar Ugu Tilmaamtay Sirtii Uu Fashiliyey Taliyihii Hore Ee sirdoonku+Hanjabaad Aanay U Meel Deyin Oo Saam-buuse Laga Addimay Ahna Iskaga Moostay Fadeexaddaas

0
34

‘Waxaan filyaa in sharciga   maxkamadda horteeda uu ka caddayn doono eedaha  beenta ah ee uu jeediyay & khiyaamada qaran   ee ka horimanaysa mas’uuliyaddii lagu aaminay”

“Waraysigaasi guud ahaan waxa uu u badnaa mala-awaal iyo been-abuur, waxana ka muuqatay cadho uu ka qaaday xilka laga wareejiyay, laakiin taasi u oggolaan mayso isaga iyo qayrkii toona, iyaga oo ujeeddadoodu tahay inay cid gaar ah ku xumeeyaan,”-

 – Keysar Cabdillaahi- Safiirka Wareega Ee Somaliland Oo Xukuumaddu U Wakiillatay Inuu Ka Mooso Fadeexadda Ka Raacday Hadalkii Gen. Maxamed Nuur

Hargeysa (Hubaal)- Danjiraha Wareega ee Somaliland Mr. Kaysar Cabdillaahi Maxamed, ayaa  sheegay in taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Mr. Maxamed Nuur Xirsi  uu ku kacay khiyaamo qaran oo uu ku mutaysan karo in maxkamad la horgeeyo, kadib markii waraysi uu bixiyey  30 bishii June ku dhaliilay in xukuumadda Siilaanyo in ammaanka dalku aad u liidato.

Danjire Kaysar, waxa uu tilmaamay in masuulkaasi bixiyey hawlo qaran oo ay ka mamnuuc tahay in la faafiyo, “Waraysiga uu bixiyay taliyahaas hore ee Sirdoonka Maxamed Nuur Xirsi, 30kii bishii June ee ina dhaaftay waa mid aannu ka war haynno. Waxa uu masuulkaasi dalka ka galay dembi cad oo ah khiyaamo qaran. Waxa uu ku gefay shaqadii sirdoonimo ee uu qaranka u hayay, waxaana uu si masuuliyad darro ah uu bixiyay oo uu ka hadlay hawlo shaqo oo ay mamnuuc tahay inuu ka hadlo qofku marka uu xilka ka dego ama laga qaado, dunida oo dhanna lama oggola masuul xil qaran haya inuu ka hadlo hawlo qaran oo lagu aaminay, waxana ninkaasi ku gefay xeerarka dalka, kuwa sirdoonka iyo kuwa laga rabo masuul kastoo shaqo qaran u haya inuu  xafido marka uu shaqada ka tago.

kaysar1Waxaan filyaa in sharciga lala tiigsan doono oo maxkamadda horteeda uu ka caddayn doono eedaha  beenta ah ee uu jeediyay iyo waliba khiyaamada qaran ee uu ku kacay ee ka horimanaysa masuuliyaddii lagu aaminay ee uu hayay. Waraysigaasi guud ahaan waxa uu u badnaa mala-awaal iyo been-abuur, waxana ka muuqatay cadho uu ka qaaday xilka laga wareejiyay, laakiin taasi u oggolaan mayso isaga iyo qayrkii toona markay xilka ka tagaan inay been-abuur amma macluumaadka iyo siraha qaranka faafiyaan iyaga oo ujeeddadoodu tahay inay cid gaar ah ku xumeeyaan,” ayuu ku jawaabay Danjire Cabdillaahi oo la waydiiyey dhaliilihii uu xukuumadda u jeediyey Taliyihii hore ee Sirdoonku ee dhinaca ammaanka ku saabsan.

 Waxa kale oo uu Mr. Kaysar Cabdillaahi sheegay in xaaladda guud ee ammaanka Somaliland tahay mid boqolkiiba boqol (100%) sugan, taasna sabab u yihiin shacabka oo aad u jecel ammaanka iyo nabadgelyada dalkooda.

“Danjiruhu waxa soo jeediyey in aan la is dhigan oo laga wada shaqeeyo sugidda ammaanka, lagana hortago falal argagixiso oo dalka ka dhici kara.

Marnaba is dhigan maynno oo ma odhan karno weerar argagixiso innagu dhici maayo mustaqbalka, mana jirto dawlad dunida ka jirta oo 100% odhan karta dalkayaga falal argagixiso kama dhici karaan, laakiin heegan ayaannu u nahay, waanan ku kalsoonahay nabadgelyda dalkeena  ka jira, taasoo soo jiidatay inay shirkado badan oo dunida ah dalkeenna maalgashadaan, kuwo badnna soo socdaan,” ayuu yidhi Danjiruhu.

 Waxa uu intaa ku daray in Somaliland xidhiidh fiican oo xagga ammaanka iyo ganacsiga ahba la leedahay waddamada jaarka, kalana shaqayso in nabadgelyada mandaqadda la sugo.

Danjiraha oo la su’aalay in xidhiidhkii Somaliland la lahayd dalalka dariska, gaar ahaan Jabuuti iyo Itoobiya dabcay, maadaama ay xuduudahooda xidheen, waxa uu yidh; “Xaqiiq kuma salaysna arrintaasi, dhinaca Jabuuti haddii aan ku horreeyo qaraxii argagixiso ee ka dhacay maqaaxida La Chaumiere ee badhtamaha Jabuuti, 24kii May, 2014 waxa uu ahaa mid naxadintiisa leh, sidii loo ogaan lahaa cidda geysatay  falkaas ee caddaaladda loo horkeeni lahaa waxa  gacan aad u ballaadhan ka  geystay ciidammada ammaanka iyo kuwa sirdoonka ee Somaliland oo ah ciidan khibrad dheer iyo aqoonba u leh la-dagaallanka argagixisada iyo ka hor taga sharkooda, waxaana laamaheena ammaanku ay gacan walaalnimo u fidiyeen laamaha ammaanka ee dalka Jabuuti, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kuwii falkaas ka danbeeyay, loogana hortagi lahaa falal kale oo argagixiso inay dhacaan.

Dawladda Jabuuti abaal weyn ayay innoogu haysaa gacanta aynu arrintaas ka siinnay, taasina waxay keentay in cid walba qirto sida mucjisada ah ee laamaheena ammaanku u dhisan yihiin, awoodda buuxdana ugu yeesheen inay dalkeenna ka ilaaliyaan argagaxisada, gacanna u fidiyaan, ugu digaan, ugana shaqeeyaan sidii dalalka jaarka ah ammaankooda u ilaashan lahaayeen, waana mid caddayn buuxda u ah in Jamhuuriyada Somaliland gacan weyn ka geysato nabadgelyada Gobolka Geeska Afrika, taasoo haddii Somaliland aqoonsi buuxa heli lahaydna ay gacan intan ka ballaadhan ka geysan lahayd horumarka iyo nabadgelyda mandaqada.

Xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland ama Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeyaa waa mid sii xoogaysanaya maalinba maalinta ka danbaysa, waana xidhiidh talan-taalli ah oo u khidmaynaya guud ahaan shucuubta ku nool mandaqadda.

Xidhista xuduuduhu Jabuuti iyo Itoobiya waa mid ku-meel-gaadh ahayd oo dhinaca aminga la xidhiidhay, durba waa la furay Jabuuti iyo Somaliland xuduudka u dhexeeya, dhinaca Itoobiyana maalmaha soo socda ayaan rajayanaynaa in la furo, waana mid wada-shaqayn buuxda ay ka leeyihiin dalkeenna iyo waddamada kale, waxana hubaal ah in qaranka Somaliland uu yahay qaran ku guulaystay ilaalinta ammaanka xuduudihiisa dhulka, badda iyo cirka, gacan weynna ka geysta degenaanshaha Geeska Afrika.”

Marka isagoo ka jawaabayey su’aal ku saabsan in xukuumaddu cabudhiso saxaafadda, waxa uu ku dooday in Somaliland tahay dalalka warbaahintu ku haysato xorriyadda taamka ah ee la ixtiraamo xorriyatul-qawlka, isagoo wargeysyada la xidhay ee Haatuf iyo Hubaal ku eedeeyey in ay ceebayn qaran wadeen.

“Marka hore waxaan jecelahay in aan tilmaamo in dalka Somaliland uu ka mid yahay dalalka faro-ku-tiriska ah ee ka jira qaaradda Afrika ama dunida Carabtaba ee ka jirto xorriyad taam ah oo ay haystaan warbaahinta iyo saxaafadda madaxabannaani. Xaqiiqatan dunidu aad ayay innoogu tixgalisaa xorriyadda saxaafaddeennu haysato. Kuwa ku doodaya in dawladdu dagaal kula jirto saxaafadda madaxabannaan waa qaar dafirsan xaqiiqda. Anigu kama hadlayo jaraa’id amma laba jariidadood oo xuduudda ka baxsan oo waxay ka shaqeeyaanba ahayd ceebayn, qabyaalad, aflagaado, isku dhufasho iyo fidno ay kula dhex jiraan bulshada, waxaanay dadweynaheennu ka war-hayaan sida jariidadahaasi maalin walba u daabici jireen warar aan sal iyo raad toona lahayn, iyo xjiimayn ay ku hayeen muwaaddiniinta iyo masuuliyiinta xilka hayaba,” ayuu yidhi Mr. Kaysar Cabdillaahi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here