DHAGEYSO+AKHRI: Xukuumadda Siilaanyo Oo Soo Bandhigtay Waxqabadkii U Qabsoomay Afartii Sanno Ee La Soo Dhaafay + Daawo Sawiro Loo Soo Qaatay Waxqabadka

0
130

Hargeysa (Hubaal) Qoraal kooban oo goor dhaweyd laga soo saaray xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay waxqabadka u qabsoomay Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo Afartii Sanno ee la soo dhaafay qoraalkan oo uu ku sexeexnaa afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa waxa uu udhignaa sidan:

WAXQABADKII XUKUUMADA U QABSOOMAY AFARTII SANNO EE LA SOO DHAAFAY

02.08.2014

Marka hore dhamaanba shacabka reer Somaliland   meel ay joogaanba guddaha iyo dibadaba waan salaamayaa, waxaana ku bogaadinaynaa sida iskaashigooda iyo isku duubnidoodu qaran ahaan ay inoogu suurto gelisay in waxbadani ay noo qabsoomaan, waana ILAAHAY MAHADII,

Intaasi ka dib  walaalayaal  muddo Afar sanno ah  ayaa haatan ka soo wareegtay  markii xilka qaranka iyo hogaamintiisaba  ay la wareegeen  madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland  Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici  ka dib  natiijadii ka soo baxday  iyo doonistii shacabka reer Somaliland  sida dimuqaraadiga ah  ay ugu doorteen  hogaaminta dalka  xisbiga kulmiye  kuna badaleen  xisbigii talada hore u hayay ee UDUB,  waxay ahayd  marxalad guul ah  sidii  nabad-galyada ahayd  ee wax waliba  ay ku dhamaadeen, in kastoo  dalka ay taalay  duruufo adag  iyo goldaloolooyin  u baahnaa in deg-deg  wax looga qabto,  waxaa nasiib wanaag ahayd oo kale  sidii shacabka Somaliland  ay filayeen  kuna doorteen  xukumadan, ayaa madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland  uu markiiba dhaqaajiyay   barnaamuj wax-qabad iyo qorshe  hagid siyaasadeed leh  oo koobayay  baylaha tirka  duruufihii yaalay oo dhan.

Sideedaba waxaa ay ummadi ku jiri kartaa  oo qaran ku dhismi karaa marka ay jirto  Maba’adii  aas-aasi ah  oo ku salaysan  aaminsanaantooda  aragtida guud ee ummadda oo ku qotoma  go’aan loo dhan yahay  kaasina  waxa uu ahaa in   go’aankii shacab  ee dadka reer Somaliland  ay ku go’aamiyeen  magaalada BURCO 1991-KII  waana takeentay  dhowrista  iyo ilaalinta  hadafka qaran-nimada  gayigan reer somalilandna  ka sabato bixiyay  duruufaha adag  ee ka jira  gobolkan geeska Afrika oo meelo badan oo ka mid ah  ay ka taagan yihiin  nabadgalyo darro iyo awood kala hororsi, waayo  inaga  shacab ahaan meel marinta  go’aankeena qaran-nimo  ayaa inagala wayn  waxkasta oo kale oo khuseeya dane qof amba mid kooxeed. Marka hadaba  la eego  ama aan dib ugu noqono  afartii sanno ee aynu ka soo gudubnay ee xukummadan  uu hogaaminaayay Madaxwayne Axmed Maxamed (Silaanyo) xilka ummaddana haysay  wixii ay qabatay  waxay noqotay  natiijadii ka soo baxday horumar iyo wax-qabad  muddo gaaban  qarankan u keenay  isbadalo, siyaasadeed  dhaqaale, kor u qaadida dhisme  hay’ado dawladeed oo  sal adag ku taagan, kor u qaadida  adeegyada bulshada, abuurida kaabayaal dhaqaale, daryeel tayayen shaqaale iyo darajo ciidan,  amniga qaranka, gogol walaalnimo , maamul fidin, abuurida iyo midaynta xooga  ummadda  iyo xukumada oo dhinaca wax wada qabsiga u dhaqaaqay, soo celinta  haybadii dawladeed  iyo dejinta siyaasad dibadeed oo leh ujeedooyin  iyo hadaf  beesha caalamka  lagu gaadhsiinayo  qadiyada qaranimo  ee dadka reer Somaliland ay leeyihiin intaasi oo wax-qabad ah oo raacaya  dariiq qeexan iyo hogaamin ay u dejisan tahay  halka loo socdo  iyo halkii laga yimid  ayaa qarankan ka dhigtay  dal iyo dad u jihaystay, xaga hormumarka  deganaanshiyaha iyo rajo ku dhisan  waxa aynu qabsanaa inay jawaab u tahay   gaadhida  himilada qaranka ee beesha caalamka.

Qodobadaasi aynu kor ku soo sheegnay ayaan mid mid u dulmari doonaa waxyaabihii ugu mihiimsanaa ee xukumada madaxwayne Silaanyo qabatay oo xaqiiqadii   doorashadiisii ay shacabka Somaliland ay u ahayd fursad wax-qabad oo dadkeena iyo dalkeenaba u soo korodhay

Madaxtooyada

1.     NABADGALYADA QARANKA (National security)

 

Waxaa ILAAHAY MADAHDII AH in guud ahaanba  dhulka Jamuuriyada Somaliland  ay ka jirto  nabadgalyo buuxda , xukumada Somalilandna  waxay si mugleh ugu shaqaysay  sii xoojinta  nabadgalyada dalka, xaalad kastoo timaadana  oo dhalinkarta nabadgalyo darona  waxay ku xalisay  caqli aqooneed iyo waayo aragnimo sii adkaysay walaalnimada iyo wada jirka shacabka reer Somaliland oo fahamsan  aas-aaska wax noqoshadeenu in ay tahay  kuna tiirsan tahay  nabadgalyada, waxaa xukumada uu hogaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)  ay xooga saartay  tayeynta, balaadhinta, tababarada iyo qalabaynta hay’adaha qaranka ugu qaabilsan nabadgalyada  kuwaasi oo xasladay  nabadgalyada  Jamhuuriyada Somaliland, waxaa xukumaddu iskaashi dhinaca nabadgalyada ah  ay la gashay  wadamada jaarkeena iyo kuwo caalamka kale ah, waana  qorshayaasha nabad-galyo  ee ay xukumadani ay u dejisay  geyigeena uu ka dhigay  meel ka caagan  budhcad badeed iyo dibaatooyinka ay wadaan  kooxaha argagixisadu, waxaana amaan mudan  shacabka reer Somaliland oo gacan buuxda  xukumada ku siiyay ilaalinta nabadgalyada geyiga oo qof waliba  halkiisa uu ku noqday  xilqaad nabad-galyada dhowra  kana jira in cid kale  ay dhaawacdo nabad-galyada.

Arrimaha Dibeda

2.     WAX-QABADKA XUKUMADU AY KA QABATAY ADEEGYADA AAS-AASIGA AH  EE BULSHADA .

 

A) Waxbarashada (Education)

 

Madaxwayanaha Jamuuriyada Somaliland  Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) isagoo og-kaalinta  iyo saamaynta  aqoon la’aantu ay bulshadu ku yeelan karto  horumarkooda iyo ilbaxnimadooda , isla markaasina ku xisaabtamaya aqoontu in ay tahay tan abuurta  hal-abuur, ummadda u keena  horumar iyo mustaqbal wanaagsan,  ayuu dalku u dhigay  siyaasad waxbarasho oo dhamaanba ubadkeena  siinaysa  fursad waxbarasho oo aanay  lacagi ku xidhnayn ,  culays kasta  oo dhaqaale oo ay arrintaasi ku keenaysay qaranka  oo dhaqaalihiisu aad u kooban yahay  kamay  hor istaagin in uu barnaamijkaasi uu guulaysto , waxaana xukumadu  ay bilaash ka dhigtay  dhamaan  waxbarashada aas-aasiga ah, waxaa ay talaabadaasi ay keentay in ilmo kasta oo reer Somaliland ihi  meel kasta oo dalka ka mid ah hajoogee  ay heleen waxbarasho bilaash ah  waxaana lagu garan karaa  qiimaha arrintaasi iyo haraadka loo qabayba in sanadkii koowaad ee xukunka xukumadan  ay kordhaan  arday  u dhiganta  kala badh ardaydii reer Somaliland ee hore iskuulada ugu jiray  kaasi oo korodhka uu gaadhay  43.3%  waxaana xukumada oo taasi si fiican uga baarandagtay  iskuna halaysay  waxa aynu haysano  ay u dhaqaaqday  kordhinta  macalimiinta  si ay u daboolaan baahida waxbarasho ee ardaydii soo korodhay, waxaa xusid mudan  markii  ay xilka la wareegtay  xukumdani  macalimiinta dugsiyada hoose dhexe  iyo kuwa sare  wax ka dhigaa ay ahaayeen  2,000 oo macalin  oo xukumadihii  kala danbeeyay ee xukuumadan ka horeeyay  midba meel ay soo gaadhsiisay shaqaalaynta  macalimiinta, hase ahaatee waxaa arrin guul ah in muddadaasi afarta sanno ah  ee xukumadani ay talada haysay ay shaqaalaysay 4,500 oo Macalin oo waliba lagu xushay  Awoodooda aqooneed ee gudbinta  waxa ay dhigayaan, waxaa wax-barasho dibadeed ay xukumadu ay u dirtay 2,500 Oo arday waxaa la dhisay 600 oo Dugsi oo sigu jira kuwo hoose dhexe (15 Dugsi) oo ah dugsiyada sarre  ayaa kordhin, dhisid  iyo dayactir ay ku samaysay, 266 Hablood ayaa ay xukumadu ay siisay  deeq  waxbarasho,  waxaa la dhisay  dugsigii farsamada gacanta ee Burco lana qalabeeyay  si dhakhso ahna ay hawshii wax dhigistu ay uga bilaabi doonto .

Boosaha

3.     WAXQABADKA CAAFIMAADKA

 

Waxaa dhab ah  awooda caafimaad  qabka  bulshada ama qofku ay  tahay  ta horseedka ka noqon karaysa  bulsho u taagan  nolosha  iyo mustaqbalkooda danbe, waxaa muhiimada arrintani ay tahay qaran ahaan in bulshada reer Somaliland  hesho  caafimaad ku filan  waa talaabo xoojinaysa  awoodeena wax-qabsi.

Xukumada Somaliland  hindihiseheedu wuxuu yahay  abuurida iyo hormarinta caafimaadka dadkeena, iyodoo dadaal badan dabadeed xukumadan talada haysaa  wax-qabadkeeda dhinaca caafimaadku  uu ku tusayo  natiijo wanaagsan, waxaa xukumadu  dalka goboladiisa iyo degmooyinkiisa  kala duwan  ay ka hirgalisay 689 goobo caafimaad ah oo iskugu jira, cisbitaalo gobol ,kuwo degmo, MCH-yo , health post-yo waxaana ay hogaanka qabatay oo ay  la wareegtay  afar sano ka hor iyadoo dalka ay jiraan 260 goobood oo caafimaad  waxana inoo soo baxay  tirooyinka goobaha waxqabadka caafimaadka markaan eegno, korodh  kala badh ka sareeya oo muddo gaaban  ku qabsoomay, waxaa kaloo xukumadani ay  goobaha caafimaadka ka hawlgalisay  38 Ambulance waxa la hawlgaliyay  8 xarumood oo lagu daaweeyo  khaasna u ah   cudurka  TB-da, waxaa xukumadani dadaal wayn  u gashay  sidii loo helilahaa mishiinada kaliyaha lagu sifeeyo oo aan jirin dalkeena  dhibaato badana dadkeena ka haysatay iyadoo cida ay awoodi kartaa mooyee, dadkeena aan awoodi Karin arrintaasi  dad faro badan ay  u dhintaan ama ay waxyeelo ka soo gaadhay waxana haatan shaqeeya dalkeena gudihiisa  7 mishiin oo kaliyaha lagu sifeeyo oo xukumadani ay keentay  baahiwayna ay dabooshay, waxaa shaqaala caafimaadka xukumadani ay ku kordhisay shaqaalihii hore 2,559 shaqaale waxaan hore u jiray  1,374 shaqaale ah, waxaa la hirgaliyay siyaasada  daadajinta  caafimaadka si goobta iyo qofka la badbaadinayaa ay iskugu dhawaadan  gurmadna loo fidin karo

Duulista

4.     CADAALADA IYO GARSOORKA

 

Cadaaladu waxay ka mid tahay  waxyaabaha  ugu muhiimsan  marka la eego  dhisme bulsho  iyo mid qaranba,  dhismaha cadaalada oo dastuurka si cad ugu tilmaaman , waxaa xukumadani markii ay timid ay ahayd cadaaladu  meelaha loogu hadal haynta badan yahay  wax ka qabashadeeduna ay lagama-maarmaan u ahayd  dhismaha qaranka, waxaana xukumadani oo taasi ogayd ay si mug leh dib ugu eegtay  dariiqii dheeraa ee  qaabka cadaaladeenu ku socotay.

iyadoo la sameeyay  dib u habayn wayn oo ku saabsan  dhismaha cadaalada ee dalka  iyo qiimaynta  wax-qabadka  iyo ka war haynta  dhibaatooyinkii haystay  bahda  garsoorka iyo cadaalada iyo dadka loo adeegayo .

Dib u eegistaasi lagu sameeyay cadaalada  waxay keentay  in la qabto  shir-waynayaal arrimaha cadaalda iyo garsoorka lagu naaqishaayay , waxaana ka soo baxay  qaab iyo habab loo waajahayo  nidaamka cadaaladeed iyo garsoorka oo saldhig u ahaa is badalka wayn  ee maanta ka muuqda  cadaalada iyo garsoorka dalka, waxaa la  tababaray  dhamaaanba hawl-wadeenada cadaalada, waxaa la qoray  garsoorayaal iyo hawlwadeeno cusub oo la biday aqoontooda cadaaladeed in ay noqon karayso mid wax ka tarta arrimaha Cadaalada iyo Garsoorka iyadoo sida wanaagsan looga faa’idaysanayo,  oo waxtaraysa nidaamka cadaaldadeed ee dalka  waxaana la dhamaystiray  dhismaha heer  gobol iyo heer qaran ee hay’adaha  cadaalada ka shaqeeya in kastoo cadaaladu ay tahay hawl adag oo u baahan  wakhti dheer sixideeda ayaa hadana  dadaalada xukumadani ay ugu jirto uu yahay mid maalin  kastaba u socda in wax la hagaajiyo

waxaana amaan mudan  masuuliyiinta caalada uga masuulka ah oo xilkasnimo wayn, qabashada iyo hagaajinta  hawshan ka muujiyay.

 

5.     WAXQABADKA MASHAARIICDA BIYAHA (water)

 

Xukumada madaxwayne silaanyo bilowgii  qabashada hogaankaba  waxay dadaal wayn  ay u gashay isla markaana ay ku guulaysatay in Somaliland  ay ka hesho  dadaal dabadii  midowga yurub  deeq lacageed oo dhamayd $28 milion  lacagtaasi oo xukumadu ay u qorshaysay in wax lagaga qabto  baahida dhinaca biyaha  ee ka jira  magaalooyin  badan oo dalkeena ah oo ay ka mid yihiin magaalada Hargaysa, Burco, Togwajaale, Boorama iyo Ceeri-gaabo, waxaana haatan la dhamaystiray  dhuun 12 km ah oo biyaha soo gaadhsiisa hargasya, waxaa kale oo 21 dhuumood  oo biyo galin ah  lagu kordhiyay  magaalooyinka  burco,boorama iyo berbera , waxaa kale oo la dhamaystiray  qodaalka  65 ceel oo riigag ah  degaanada miyiga  ee dhibaatad biyo la’aantu ay haysatay  waxaa kale oo xukumadu  ay dhamaystirtay 25 Tuulo biyo galintood oo badankoodu  ku shaqeeyan tamarta la cusboonaysiiyay , iyo qodida 8 dhaam  iyo hirgelinta  shuruucda  qodaalka  riigaga, waxaa intaasi dheer  booqashadii  madaxwaynuhu  uu ku tagay  Emirate ka carabta  ay inoogu deegeen  biyo galinta  qaybaha ugu muhiimsan ee magaalada hargaysa, iyo Mashaariic kale.

 

 

 

6.     WAXSOO SAARKA BEERAHA IYO DARYEELKA XOOLAHA (LIVESTOCK AND AGRICULTURE)

 

a)     Beeraha:

 

Waxaanu ogsoonahay in baahideena cuntadu  ay ku tiirsan tahay  raashinka  dibada  inooga yimaada, oo laba dhibaato inoo leh, tan koowaad tayada cuntooyinka  inooga yimaada oo aan tayo ahaan wanaagsanayn  iyo ta labaad oo ah isku halaynta  dadkeena  cuntooyinka dibada inooga yimaada oo heerkii  fikirka  iyo hindihisoogi wax soosaarka gudaha   hoos u dhigay. waxaana is waydiin leh  baahidaada cuntada  oo gacantaada iyo geyigaaga aan ku xidhnayni sidee ayay ku noqon kartaa  mid aad noloshaada ku  halayso.

Xukumadan oo ah xukumadii horumarka,  xilka iyo waajibaadka hogaaminedna uu ku waajibinayo ku hagista  ummadda  sharciga  iyo hidisayaal cusub oo bulshada u dhaqaajin kara  xaga horumarka,  ayaa xukumadani  juhdi wayn ay galisay  barnaamij  dhiiri galinaya wax soosaarka midhaha  dalkeena  oo iskugu jira  kordhinta intii hore u jirtay tijaabinta  iyo beerida  midho dalkeena ku cusbaa.  sida Bariiska, Timirta, Tufaax iyo Istaroobariga, waxaana ILLAAHAY madahadii ah  in xukumadu ay arrintaasi  ku guulaysatay.

 

dadkeena beeralayduna  ay ku abuurtay arrintaasi in ay samaystaan iskaashatooyin  u dhaqaaqay  wax soo saarka   beeraha, lana yimid  niyad saraysa  oo u taagan  wax soosaarka, waxaa xukumadu iyadoo taasi sii xoojinaysa  sanadkii hore miisaaniyada qaranka lagu daray  10 cagaf-cagaf oo kuwa qodaalka ah iyo xabad   baldoosar ah iyo gaadiid kale oo culus waxa kale oo la hirgeliyey Labourty lagu baadhayo ciida iyo tayada midhaha.

 

7.     XOOLAHA (LIVESTOCK):

 

Qaran ahaan marka la qiimaynayo lafdhabarka dhaqaalaha reer Somaliland waxaa kaalinta xooluhu ay tahay ta koowaad  ee nolosha dadkeenu ay ku tiirsan tahay, siyaasada xukumada Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (silaanyo) waxay fiiro gaar ah  ay siisay  daryeelka iyo caafimaadka xoolaha waxaana la abuuray  Tiimam dhakhaatiir ah  oo cusub oo u qaybsan  deegaanada kala duwan ee gobolada dalka si joogto ahna  ula socda  caafimaadka xoolaheena waxaa xukumadu  ay shaqaayalaysay dhakhaatiir xoolaha ah  si ay  kaalin uga qaataan  hawlsha xooga leh ee u jihaysan  caafimaadka xoolaheena, mudadii ay xukumadani xilka haysay  waxaa magaalada Berbara ka suuro galay  dhab uga shaqaysiinta  maxjarada xoolaha ee ku yaala  magaalada berbera  waxaa kaloo dadaal wayn ay xukumadu u gashay  sidii xoolaheena  suuq loogu helilahaa.

 

8.     DHAQAALAHA (ECONOMIC )

 

Tashiilid, kaabid iyo  kobcinta dhaqaale ee dalku waxay ahayd   talaabo si cad  ugu tilmaanaa  barnaamijka xisbiga kulmiye ee Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (silaanyo) waxaana iyadoo taa laga shidaal qaadanayo, dib u giijinta  dhaqaalaha  xukumadani ay ku bilowday  dejinta  qorshe dib u habaysana loogu sameeyey,  dhammaan  goobaha  dakhliga, la dagaalanka musuq maasuqa, tayeyta hawl-fulinta  maamulida dekhliga, waxayna ahayd  bilowgii ay hawshu ku dhaqaaqday  kuna dhalisay isbadalada iyo kor u kaca  dekhliga dalka, oo markii ay xukumadani ay timid  miisaaniyada sanadluhu  ay ahayd $ 47-50 milion halkaas oo lagu soo gaadhsiiyay  korodhkii  is biirsanaayay  ee misaanadihii xukumadihii dawladan ka horeeyay ee ay iska soo  dhaxleen  muddo dheer.

 

mudadaa afarta sano ah  ee xukumadan  talada dalka haysay  waxay  gaadhsiisay  $152 milion, guud ahaanba marka lagu daro hayadaha madaxabanaan ee dekhli soo saarka  noqonaya $212 milion   waxaa kaloo lagu guulaysatay  samaynta siyaasada  jaangoaynta  miisaaniyada qaranka, xisaab xidhka miisaaniyadaha  ayaa mudadii xukumadan  jirtay oo kaliya  xisaab celin loo sameeyay golaha wakiilda, dhinaca kale  saddexdii sano ee ugu danbeeyay miisaniyda qaranka  waxaa la horgeeyay  golaha wakiilada, xiliga uu tilmaamayo  dastuurka dalka oo ah  bisha Tobonaad sanad walba waana arrin  imika ka hor aan dalka ka dhicin,

 

9.     HORUMARINTA SHAQAALAHA

 

Shaqaaluhu waa laf dhabarka  socodsiinta iyo howlaha horumarinta ay xukumadu shacabkeeda u hayso kuwa socodsiinaya, xukumadu iyadoo garwaaqsan kaalinta ay shaqaaluhu qaranka u hayaan iyo muhiimadoodaba  waxay dib u  eegis balaadhan ku samaysay dhismaha hay’ada  qarankan ugu qaabilsan  shaqaalaha dawlada, waxaanay u dejisay  siyaasad shaqaalaha, kordhinaysa, tayaynaysa, daryeelaysa, aqoontooda iyo waayo aragnimo  shaqana kor u qadaysa si ay u gutaan masuuliyada  shaqo ee ay qarankan u hayaan, markii ay xukumadani ay talada la wareegtay 2010 bishii July shaqaalaha dawalada u shaqeeya waxay ahaayeen tiradoodu  6,867 shaqaale oo ay ku jiraan shaqaale shaqada bilaabay  ilaa 1991-1992

 

Ugu danbayntiina soo gaadhay  tiradaasi aan kor ku soo xusnay.

Kadib xukumadan uu hogaaminaayo  madaxwayne axmed maxamed maxamuus silaanyo  madadaasi afarta sanno ah ee uu xilka   hayay waxay shaqaalaysay  7,364 oo shaqaale rasmi ah iyo 5,983 oo ah shaqaale aan joogto ahayn  gunooyina qaata.

waxaa uu kor u kacaasi intaas leeg ku yimid  ka fikirida  xukumada ee dhibaatada dhalinyarteena ka haysata  shaqo la’aanta  taasi oo awoodeena ka xoog roon,  hase ahaatee  waa dadaal socda si baahiyayahaasi shaqo la’aanta wax looga qabto, waxaa la dalacsiiyay shaqaale  ay tiradoodu dhantahay 542 shaqaale ah 130 ka mid ah shaqaalaha dawlada  ayaa  loo diray  waxbarasho dibadeed oo ay ku tageen wado kala duwan 115 ka mid ah  waxay soo qaateen shahaadada  bachelor ah 15 kalena waxay soo qaateen  masters degree, 20 kale oo ka mid ah shaqaalaha dawlada oo waxbarasho dalka Ethiopia  u tagay  ayaa soo dhamaystay first degree iyo master degree.

macadka tobabarka shaqaalada dawlada ayaa  aqoon heerkeedu kala duwan yahay siiyay  2,179 oo ah shaqaalaha dawlada, waxaa mudadii xukumadani ay jirtay  musharka shaqaalaha la kordhiyay boqolkiiba boqol iyo labatan waxaa dheer korsiimada gunooyinka  xilalka  oo loo kordhiyay 10,00 oo ciidamada kala duwan ee qaranka, waxaa markii u horaysay ay xukumadu  hirgalisay  xaqsiinta shaqaalaha qofka dhintay iyo qofka shaqada ka tagay  waxaa kaloo la dhaqaajiyay sanduuqa dadka mudada dheer u soo shaqaynayay (Retire)

 

10.                       DHALINYARADA:

 

Madaxwayanaha jamuuriyada Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (silaanyo) siyaasadiisa hogaamineed waxay beertay korisay gacan qabashada  dhalinyarada reer Somaliland, marka la eego  da’da ay dhalin yarto ay siyaasada kaga qayb qaadan karto oo markii hore  ahayd (35 jir) waxaana madaxwayne silaanyo suurto galiyay in dhalin yartu (25 jir)  kaga qayb qaadan karaan siyaasada  dalka,  taasi oo baarlamanka dalku ansixiyay, waxaa kale oo xilal iyo masuuliyado u dhiibay  madaxwaynuhu  dhalinyar faro badan oo da’dooda oo kale  waligood aan lagu eegin in ay xilal qabtaan.

waana bilow  taariikhdu xusi doonto in dhanyar badani  ay noqdeen wasiiro, agaasimayaal,maareeyayaal iyo boosaskale oo muhiim ah.

Tani waxay keenaysaa in aynu daboolno gaabkii waynaa ee u dhaxeeyay dadka xilalka haya iyo dhalinyarada, hase ahaatee waxaa ay xukumadani ay cadaysay in ay tahay  xukumadii dhalinyarta.

macnaha ka danbeeyaana uu yahay in hogaanka qaranka loo abuuro  dhalinyaro  masuuliyadooda ay keenayso  xilkasnimo iyo mustaqbal hore u socda, in dhalinyaradani hididiilo ay u noqdaan  kuwa soo koraya si  ay u  hiigsadaan.

waana barnaamij siyaasadeed oo  u jeedada ay xukumadu  ay  ka leedahay  ay tahay in xooga dhalinyarto uu yahay  midhihii  diyaarintoodu uu abuurilaha  mustaqbal  ummaddan wax-tara.

waxaana wax lagu faano ah in dhalinyartaasi haysa xilalka culus ee qaranka ay ku guulaysteen iskuna dhigeen kuwo waajibkoodii ka soo baxay, waxaa kale oo siyaasada madaxwayne silaanyo ay barbar istaagtay gacan qabashada  ururada  dhalinyarada ee dalkeen ka jira, ururada haweenka iyo sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen  dhinaca siyaasada iyo Dadka laga tirade badna yahayba, waxaana  xukumadani  sanadihii u danbeeyay  ay si joogto ah u qabatay  ciyaaraha gobolada ee heer qaran iyo dhismaha  garoomo ka mid ah kuwa ay dhalinyaradu ku  ciyaaraan.

 

11.                       DHISMAHA WADOOYINKA (INFARUCTURE )

 

Dhismaha wadooyinku waa   kaaba yaasha dhaqaale waxanay ka mid yihiin halbowalaha xoojinaya isdhaxgalka bulshad iyo wax iswaydaarsiga ganacsiga oo uu ka abuurmi karro  dhaqaale  saamayn ku yeesha  nolosha ummadda, waana meelaha laga qiyaaso koritaanak  bulshooyinka  ee dhinaha horumarka dhaqaalaha, waana sida loogu tiriyo kaabe dhaqaale.

madaxwayne silaanyo, iyo siyaasadiisii waxqabad ee xukumadiisa u dejiyay  waxaa qayb wayn ku lahaa  dhismaha wadooyinka waxaana uu barnaamijkaasi uu ahaa  mid abuuray kalsooni iyo midnimo wadaniyadeed oo shacabka iyo xukumadoo  iskaashanaya  ay  bilaabeen  dhismayaal wadooyin laami ah oo isugu jira heer qaran iyo heer degmo.

waxaana haatan  wax dhamaaday iyo wax lawado ah wadooyin faro badan, wadada boorama iyo  Dila way dhamaatay, wadada kalabadh iyo wajaalena way dhamaatay, waxaana si xawali ah u socda  wadada hargaysa iyo  baligubadle, Hargaysa iyo Salaxlay, Dawga-cad, Alaybaday iyo Arabsiyo , Oodwayne iyo Burco  iyo dhismaha wadada ugu dheer  ee Burco iyo Ceerigaabo, waxaa sidoo kale  xukumadu ay ku deeqday  wada kastaba lacag xoog leh iyo qalabka adeegsiga dhgismaha wadooyinka, wadada u dhaxaysa  hargaysa iyo berbera  waxaa lagu sameeyay  tayactir aad u wayn oo ay bulshadu mahadisay,  wadada dila iyo kalabaydh  ayaa  iyana la qorsheeyay in dhawaan la bilaabo, iyo  tayactir lagu sameenayo  wadada u dhaxaysa Xamaas ilaa Sheekh Kuwaasi oo loo hayo  kharashkii ku baxay.

waxaa kaloo xukumadu  ay soo iibisay  dhamaanba (Mechanisms) loo adeegsanaayay  dhismaha wadooyinka laamiga ah, waxaana meesha ka baxay  fikradii ahayd inaynaan dhisan Karin  waddo laami ah, waxaanay muujinaysaa awooda isku-teshigeedu  in uu keeni karro  horumar, waxaa dalka laga hirgaliyay ilaa 350 waddo oo laami ah  oo ay ku jiraan kuwa magaalooyinka guddaheeda iyo kuwa ka baxsanba.

 

 WAX KA QABASHADA GAROOMADA DIYAARADAHA

Barnaamijka hogaamineed  ee madaxwaynuhu qaranka u dejiyay,dhaqaajinta  dhamaanba hay’adaha kala duwan ee qaranka,waxaa kaalin mudnana lahaa  garoomada diyaaradaha oo ah halka xaga hawada  dalka laga soo gallo, lagana qiyaas qaato waddan walba  heerkiisu sida uu yahay waxaa xukumadu  muddaasi afarta sano ah  garoomada ay ka qabatay  wax-qabad wayne iyo talaabo horumar ah oo laxaad leh, waxaa la kordhiyay kuwo cusubna lagu daray  Terminal-da iyo departure ka  garoomada  Hargaysa iyo Berbera  Hall-lalka VIP-ga Waxaa xukumadu Dadaal wayn u gashay  sidii loo heli lahaa dhaqaale  wax lagaga qabto  Runway-yada, Dawlada kuwayt ayaa inaga caawisay  Runway-yada  madaarka hargaysa iyo berbera lana dhamaystiray  iyadoo la gaadhsiiyay  Standard caalami ah oo diyaaradaha waa-wayni ku soo degi karaan kana duuli karaan iyadoo waliba haatan ay socoto  dhismaha  1km oo lagu daray  Garoonka Egal International Airport ee hargaysa, waxaa si mug leh  dib  u habayn loogu sameeyay  garoonka diyaaradaha ee Burco, dib u  habayn  maamul iyo qalabayn  heer sarre ah  ayaa lagu sameeyay garoomada Caasimada Hargeysa iyo Berbera iyo hawl wadeenadii  qalabkaa ku shaqayn lahaa oo loo tababaray.

 

12.                       Waxaa xukumada haatan talada haysaa  u suuro gashay  waxyaabaha qaran ahaan,jiritaankeena iyo  go’aanka shacabka markhaati cadaan u ah oo xukumadihii horre  mid walba ay balan qaaday oo aan fulin,  dadwaynuhuna  muddo 20 sanno ku dhow  si joogto ah wax ka qabashadeeda arrintaasi ay u codsanayeen , waxaana ka  mid ah

 

1.     Idaacada qaranka ee Radio Hargaysa oo dalka iyo dibadaba si wayn looga dhagaysto, taasi oo xukumadani sanadkii koowaad ee ay qabato hogaanka dalka ay soo iibisay.

 

2.     Tv-ga qaranka oo awoodisa baahineed la gaadhsiiyay dhamaanba caalamka, Studio-yaal iyo hawlwadeenadii ka hawlgali ahaa oo la qoray.

 

3.     Darajaada ciidamadu waxay ahayd  dhacdo wax-qabad oo taariikhda u gali doonta  hogaamiyaha Qaranka. Shacab waynahana iyo dalka somalilandna  u ahayd sharaf hilimaad, ciidankana  u ahayd dhiirigalin iyo haybad qaran, waxaa derajo kala duwan la siiyay 10,000 kun oo sarkaal  oo ka mid ah  ciidamada militeriga, Booliska, Asluubta iyo ciidamada ilaalda xeebaha.

 

4.     Xukumadu muddadii afarta sano ahayd ee ay xilka haysay  waxay shirkado maal-gashi oo waawayn ay ku qancisay in dalkeenu uu yahay  goob amni oo la isku halayn  karro  taasi oo keentay in si rasmi ah  looga bilaabo  baadhitaanada  khayraadka dabiiga ah ee dalkeena ,  sida Betrol iyo macadano kala duwan. hawshaasina dalka uga socoto  si wanaagsan, waxaana dalkeena ka soo galay  ogolaanshihii  bilowga sahaminta lacag dhan  $3,946,258 lacagtaasi oo ku xarootay  qasnada dawlada waana waxqabadyada awood iyo aqoonba ay xukumadani ay kaga midho dhalisay, dhinaca kale sahaminta dhinaca macdanta ayaa laga sameeyay  gobolo ka tirsan dalka oo ay ka mid yihiin Sanaag, Awdal iyo Saaxil.

 

5.     Waxaa la badalay lacagtii  giibbaarta ahayd oo kumanan qof oo ka mid ah  ganacsatada Burco Gacantooda ku soo hadhay  meel kale oo ay ka soconaysaana  aanay jirin, iyadoo arrintaas dhaqaale burburka ay keeni karto ka fikiraysa xukuumadu waxay u babac dhigtay in muwaadiniintaasi ay ka sabato bixiso  xaaladaa adag ee soo foodsaartay  dhamaanba dadkii lacagtaasi giinbaartu ay gacantooda ku soo hadhayna  ka ururisay  iyadoo siisay qof walba  wax u dhigma  qiimihii  lacagtaasi ay barigii hore lahayd oo shilinga Somaliland lagu siiyey.

 

6.     Brige ka hargaysa oo 5 sanno qabyo ahaa oo xukumadii hore ay bilowday ayaa lagu dhamaystiray 100 maalmood ee u horeeyay ee talada ay xukumadani ay qabatay.

 

 

 

13.                      SIYAASADA ARRIMAHA DIBADA (FORIGN POLICY)

 

Siyaasada arrimaha dibadu  waxay guusheedu ay laf-dhabar ka tahay  meel marinta aragtida  iyo mabda’a  qaranimada dalkeena, waxaana siyaasada arrimaha dibadu  ay ku xidhan tahay kolba  heerka iyo sida  ay tahay tan gudaha, oo deganaanshiyaha nabadeed iyo maamulka dawladeed oo si waxtar leh gudaha uga shaqaynayaa ay kaa caawinaysaa dadaalada  siyaasada arrimaha dibada, waana tan  xukumadan  u suuro galisay in codkeedu uu gaadho  beesha caalamka.

Waxaynu nahay  qaran aan wali la aqoonsan oo African ah  oo taageerada ay helayaan ay aad u yartahay waxaana dalka u suuro galshay waxyaabo aan ka suurto galin  wadamo badan oo African ah oo aqoonsi iyo taageeroba haysata tusaale ahaan, heerkeena bisaylka waxaa tusaale ugu filan  xukumadani waxay ku timid  doorasho dadwayne oo xisbigii talada hayay uu ka guulaystay xisbigii mucaaridka ahaa  awoodii ay ula kala wareegeen  si nabad galyo ah, waxay arrintaasi ahayd sawir iftiimiyay   heerka aan taaganahay, oo beesha caalamka aan kaga kasbanay  tixgalin  iyo mudnaan, waxaa xusid mudan xukumada uu hogaaminayo Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) uu hirgaliyay  siyaasad qeexan oo ku dhisan in dacwadeenu ay gaadho  fagaarayaal caalami ah, iyadoo  mudadii afarta sano ahayd  ee aynu ka soo gudubnay  madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland  madaxwayne ku xigeenka iyo wufuud heer sarre ah oo qaranka matalayaa ay booqasho wayn ku tageen  wadamo badan oo caalamka ka mid ah  kuwaasi oo ay la yeesheen  kulamo ku saabsan  qadiyada Reer Somaliland.

madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland, waxaa uu la kulmay  madaxwaynayaal, raysal wasaarayaal amiiro  iyo boqoroba  waxaanay qiimayntaasi diblomasiyadeed ay ku timid  waxaynu nahay  iyo fariinteena  oo gaadhay dawaladahaasi, kor u qaadidaasi  heerka diblomaasiyadeed ee dalkan, ay xukumadani u horseeday waxaa uu fududeeyay in madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland  hadal ka jeediyo  kulamo  Calaamiya, waxaana ka mid ahaa shirkii Feb 23 dii 2012 –kii ee uu kaga qayb-galkii dalka ingiriiska.

Shirkaasi oo ku saabsanaa  arrimaaha geeska  gaar ahaana soomaalida oo si rasmi dawlada Ingiriisku ugu casuuntay madaxweynaha kana soo qaybgaleen hogaamiyayaal iyo wakiilo ka socda 40 dawladood in ka badan kuwaasi oo ahaa dawladaha daneeya  xaaladaha guud ahaanba ka jira Africa, geeska Africa iyo khaas ahaan  arrimaha somalida, hadalkii uu madaxwaynuhu ka jeediyay shirkaasi waa kii ay ka dhasheen  fikirka ah in Somaliland oo dhinac ah iyo somaliya ay wada hadal bilaabaan  beesha caalamkuna  ay taageerto  waxay ahayd  faham iyo garawshiyaha  wadamadii iskugu imid qudbadii garnaqsiga ahayd ee u madaxwaynuhu ka jeediyay  ay daaha ka qaaday kala duwanaanshiyaha, marxaladaha iyo duruufaha kala duwan  ee ka jira gobolkan geeska,meeshana ka saartay  fikirkii hore u jiray oo arrimaha somalida si kaliya u wada arkaayay, waxaaa kaloo talaabooyinka dublamaasiyadeed ee ay xukumadani ay qaaday  ka abuurmay in Somaliland caawimada ay bixiyaan qaar ka mid  ah wadamada deeq bixiyayaashu si toos ah loo siiyo, sida sanduuqa Somaliland development fund oo ay bixiyaan  UK iyo Denmark.

kaasi oo loogu talo galay  xoojinta baahiyaha aas-aasiga ah iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka, shacabka reer somaliland iyo golayaasha qarankuba  waxay si wayn u soo dhaweeyeen  wax-qabadka xukumadani ay ka samaysay  siyaasada arrimaha dibada oo xukumadan ka hor muddo dheer ku socday si aan kasbasho u keeneen  ka midho dhalinta  qadiyada Somaliland.

waxaa kaloo siyaasada arrimaha dibada  ee xukumadani qorshe adag u dejisay  wax wada qabsiga iyo iskaashiga uu qarankani la leeyahay  wadamo badan oo caalamka iyo kuwa Somaliland deriska ay yihiin, waxaanay Somaliland ay  noqotay meel ay wada shaqaynteeda, wax wada qabsigeeda iyo halka ay ku taalaaba  ay muhiimad dheerada ay u leedahay gobolkan geeska Africa kaalinteeduna ay tahay mid muuqata oo aan la dafirikarin.

dhinaca kale waxaa dalkeena yimid  wufuud heer caalami ah oo xukumadani ay horseed ka ahayd in ay dalka yimaadaan, imaatinkoodii dalkuna  uu wax wayn ku soo kordhiyay in laga garaabo qadiyadeena, dawladnimadeena, nidaamka dimuqaraadiyadeed  ee ka jira dalkan Somaliland, madaxwayanaha jamuuriyada Somaliland  socdaaladaasi uu dibada ku tagay  waxaa barbar socday  qoraalo uu si joogto ah ah ugu dirayay , dawlado  iyo ururo kale oo ay ka mid yihiin kuwo goboleed iyo kuwo qaaradeed iyo kuwa caalamiya IGAD, Eu midowga Africa iyo   jaamacada carabta iyo wadamo kale, dadaalkani waa mid sii socon doona ilaa inta aynu gaadhayno waxaynu u boholyownay oo ah Aqoonsiga Somaliland.

 

GABOGABADII

Hadal iyo dhamaan  waxyaabahaasi aynu soo sheegnay iyo inta kale ee aan soo wadnaaba  waxay ku qabsoomeen oo ay ku suuro galeen  taageerada shacabka reer Somaliland ay isla barbar taageen  xukumada iyo hogaamiye la yimid karti waxqabad hogaamin waayeelnimo, niyad ay ku abuuran tahay  quruxda dalkaaga iyo qarankaaguba  waa waxqabsi isku tashi iyo waliba madaxwaynaha qaranku  uu la yimid barnaamijmo iyo qorshe yaal  abuuraya  hour-socod  maalintii timaadaana ay noqotay mid wax ku soo kordhisay wixii hore inoogu qabsoomay, waxaa ina sugaya jid dheer oo guushu ay ku xidhan tahay  dadaalkeena dawlad iyo shacab aynu  halkaa ka sii wadno.

Fiiro Gaar ah waxa aanu idin soo Gudbin doonaa Hay’addaha iyo Wasaaraddaha halkan ka maqan oo aanu ugu talo galnay in aanu kolba Qayb idin soo Bandhigno.

 

Wabilaaahi tawfiiq

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

CODKA waxqabadka xukuumadda ee 4-tii sanno la soo dhaafay u qabsoomay qaranka

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here