AKHRISO: Xukuumadda Somaliland Oo la Sheegay Inay Siyaasaddeysay Heeso Cusub Oo laga Duubay Kooxda Fanka Ee Xidigaha Geeska

0
70

Hargeysa (Hubaal) Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay siyaasaddeysay Heeso cusub oo laga duubay Kooxda Fanka ee Xidigaha Geeska oo laga xayeysiiyay Telefishannada UNIVERSAL oo ay xukuumaddu dalka ka xayirtay iyo Talefishanka Dawladda Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay Kooxdu Heeso cusub u qabteen.

Xidigaha geeska

Mid ka mid ah Wargeysyada afka Dawladda ku hadla (Somalilandtoday), ayaa dhaleecayn iyo gef ku tilmaamay Barmaamujkaasi oo uu ku sheegay waraysiyo ay bixiyeen xubno ka mid ah Kooxda oo ay labada Telefishan ku waraysteen Hargeysa, kagana duubteen barmaamujyo ay ugu talo-galeen Habeennada Ciida. Somalilandtoday, ayaa warbixinta uu qoray ku xusay inay Fanaaniinta Xiddiga Geesku waraysiysdaas ay siiyeen Warbaahin dalka ka madnuuc ah, inkasta oo Xayeysiisyada ka baxay Telefishannadu aanu ahayn Waraysiyo ee ay Heeso yihiin. Taasina Warka wargeysku qoray ka dhigaysa weerar lid ku ah Kooxda oo aan xaqiiqda ku salaysnayn.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa maanta markii arrintan uu wargeysku qoray joojiyay Barmaamuj kooxdu ku qaban lahayd Telefiishanka Qaranka Habeenka Ciida. Ilo-wareedyo aanu ka helay Wasaaradda Warfaafinta ayaa tilmaamay in Wasiir cukuse Barmaamujkaasi u joojiyay sababo aan caddeyn, balse loo sibirsaarayo inay ka dhalatay xasaradda Wargeyska Somalilandtoday faafiyay oo loo aanaynayo inay ashkhaas xukuumadda ka tirsani dabada ka riixayaan.

Hadaba si aan u xaqiijino wararkaasi ayaanu la xidhiidhnay af-hayeenka kooxda xidigaha geeska Cabdirisaaq Xaamud Caydiid ( Jaylaani), si aanu xog dheeraada arintaa uga helno wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay “Wararka suuqa la soo galiyay-waa warar la siyaasadeeyay fanka iyo siyaasadana in la kala saaraa haboon.” Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi – “Kooxda xidigaha geesku waa koox faneed ka madaxbanaan siyaasada .dadka af iyo dhaqan wadaagta leh ee somaliduna way na wada dhagaystaan oo suugaantayadu xad ma leh laakiin qadiyadayada ayaa xad leh oo koox reer Somaliland ah ayaan nahay.

“Qarankana jiritaankiisa anagaa jecel isalamarkaana cid walba uga lexejeclo badan Markaa dadka waxaan dadkayga reer Somaliland la socodsiinayaa in ay kooxda xidigaha geeesku tahay koox qaranimada somalilandd u taagan mar kasta.”

Mr Jaylaani afhayeenka kooxda xidigaha geesku waxa uu intaa ku daray “fanaanka C/nuur alaale heesihiisa tv-yada waa laga soo daayaa oo Somalidu way dhagaystaan – laakiin dal ahaan waa fanaan reer jabuutiya oo calankiisa iyo ciidiisa ku abtirsada anaguna sidaasoo kale heesahayagu meel kasta waa laga soo daynayaa laakiin fanaaniin reer Somaliland ah ayaanu nahay ee taasi cidnaba yaanay mugdi ka galin fanka iyo siyaasadana ha la kala saaro.”

Kooxda Xiddigaha Geeska Kooxdan oo muddo sanaddo ah hada ka dhisnaa Somaliland, fadhigooduna yahay magaalada Hargeysa, ayaa ah Naadi si weyn ay Bulshadu u xiisayso Suugaantooda, isla markaana calanka u sida dhinaca fanka Geeska Afrika wakhtigan. Waa Koox Fan ahaan iyo qaabka ay u dhisanyihiin, isla markaana barmaamujyaddooda isugu duba-ridaan dadku aad u jecelyihiin

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here