Akhriste Marna Is Leedahay Madaxweynaheenu Muu Maqal Ama Haleelin Jawaabta Hadalka Uu Madaxweyne Geelle Ka Yidhi Xuskii Af-Somaliga?

0
43

Ina cumar geele wuxuu idaacadaha ka yidhi afar somaliyeed ayaa hore u jirey ,imikana jira wuxuu si badheedha indhaha uuga qarsaday kana diidey afkiisa inuu ka yidhaahdo soomaalidu shan ayey ahaan jirtey oo keliya, hadaba waxa nasiib dara ah ninkii dhigiisa ahaa ee hadal kaa ka jawaabi lahaa, wuxuu isku mashquuliyey waxaan shaqadiisa ahayn oo ah inuu kolba meel yar oo agaasime ku filan yahay xadhiga ka jaro, hadaba akhriste miyaad is leedahay arinkan muu maqal ama wuu haleeli waayey inuu jawaabo?

Alla ha u naxariistee maxamed jamac bedmaax oo dhalin yaro guubaabinaya waxa hadaladiisii ka mid ahaa: “hadaan ushaa lugta kaaga mudo oo aad iga daa odhan weydo, oo aan hadana caloosha kaaga mudo, oo aad iga daa odhan weydo ma waxaad sugeysaa intaan labada indhood kaa rideyo”.

cali-xaraaromar qudha ayaa lawada dhawaaqay oo maya lawada yidhi, hadaba waxaan dadka reer somali land ku leeyahay ma waxaad sugeysaan intuu Axmed siilaanyo ku dhawaaqayo maamul gobleed ka tirsan somaliya?

Wabilaahi tawfiiq

Cali cismaan (cali xaraaro)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here