“Al-shabaab Kamay Dambeyn Dilka Ee Gaadhi Militari Oo Daba Socday ayaa Xil. Dirir Rasaasta Ku Furay”

0
35

Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ku Faannay In Ciidammadoodu Khaarijiyeen Xil. Dirir

Muqdisho:(Hubaal)-Dawladda Federalka Somalia, ayaa Xaqiijisay in Dilkii Magaalada Muqdisho loogu geystay Xildhibaan  Yuusuf Dirir Cabdi oo dhalasho ahaan somaliland kasoo jeeday iyo Dirawalkiisii ay ciidameeda militerigu ka dambeeyeen.

dirirNinka Afhayeenka  u ahWasaarada Amniga Somalia Maxamed Yuusuf oo maalintii shalay Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa cadeeyey in Al-Shabaab aanay ka dambeyn dilka loo geystay Xildhibaanka katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dilkaasi ka dambeeyay ciidamo katirsan Milatariga kadib kala shaki soo kala dhax galay ciidamadaasi iyo ilaalada Xildhibaanka lasocday.  “Dilka Xildhibaan Dirir Al-Shabaab kama dambeyn waxaa ka dambeeyay Ciidamo katirsan Milatariga kuwaa oo gaadhiga Xildhibaanada daba socday waxa ayna u yeedhiyeen hoon balse gaadhiga kama aanu leexan, waxaana gaadhiga ay wateen milatariga uu marayay saydh qaldan kadibna gaadhiga Xildhibaanada la socdeen ayuu ku horjaray sidaasna rasaasta ugu fureen ‘’ Ayuu yidhi Afhayeenka Wasaarada AMniga. Afhayeenka ayaa xusay in dhacdadaasi ay ku dhinteen Xildhibaan Yuusuf Dirir iyo Darawalkii lasocday, waxaana ku dhaawacmay dhacdadaasi Xildhibaan Cabdalla Boos iyo 7-askari oo lix katirsan ay ahaayeen Ciidamada Milatariga sida uu cadeeyay Afhayeenka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here