Al Shabaab Oo Dib U Qabsaday Ceelbuur Oo Ay Ka Baxeen Ciidammada Itoobiya

0
38

alshabaab

Dagaalamayaasha kooxda Al Shabaab ayaa dib ula wareegay degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii ciidammada Itoobiyaanka ee halkaa ku sugnaa muddo seddax sano ah ay isaga baxeen.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa srrin naxdin leh ku tilmaamay ka bixitanaka ciidammada itoobiya. Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa la sheegay inay hadda gudha u galeen magaalada Ceelbuur.

Ciidamada Itoobiya ayaa seedax sano ka hor magaaldaasi kala wareegay kooxda Al-shabaab.

Bartamihii bishii September ee sandkii hore ciidammada Itoobiya waxay banneeyeen deegaanka Moqokori ee isla gobolka Hiiraan iyadoo markiiba ay qabsadeen Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya waxa ay ka guureen tuulooyinka Rabdhuure, Buur dhuxunle, iyo Garasweyne oo dhamaantood ka tirsan gobolka Bakool.

Dhinaca Galgaduud Itoobiyaanku waxay sanadkii hore ka guureen Galcad iyo Budbud.

Ma jiro war ka soo baxay saraakiisha AMISOM iyo kuwa Itoobiya ama kuwa Soomaalida oo ku aadan ka bixitaankoodii saaka ee Ceelbuur iyo kuwii ka sii horeeyay ee tuulooyin ka tirsan gobolada Hiiraan Galgaduud iyo Bakool.

Xigasho: bbc

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here