Bu’aale (Hubaal):- Dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, ayaa meel fagaare ah ku toogtay seddex Wiil oo dhalinyaro ah magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada dhexe ee dalka Soomaaliya, ka dib markii Maxkamadi Al-Shabaab leedahay ay sheegtay inay ku heshay denbiyo isugu jira Galmo sharci-darro ah iyo basaasnimo.
Laba Wiil oo lagu kala magacaabo Isxaaq Abshirow oo 20 jir ah iyo Cabdirisaq Sheekh Cali oo 15 jir ah, ayey Maxkamdda Al-Shabaab ee Bu’aale sheegtay in lagu helay denbi ah in ay isu galmoodeen iyagu, sidaas daraaddeedna dil lagu xukumay gelinkii hore ee Salaasadii Maanta, iyadoo gelinkii danbe ee Maantana meel fagaare ah lagu toogtay, sida ay baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da iyo Warbaahinta kale ee Soomaalida qaarkood.
Sidoo kale, isla fagaarahaas waxaa lagu toogtay Siciid Maxamad Cali, oo ay Maxkamadda Al-Shabaab sheegtay in lagu helay denbi ah inuu ka tirsanaa Sirdoon ay tabobbareen Ciidammada Itoobiya ee jooga Soomaaliya. Waxay Ninka Maxkamadda ugu magacaaban Al-Shabaab ku eedeeyey in Ciidammadoodu ay gacanta ku soo dhigeen iyagoo isku galmoonaya, taasina ay tahay Qoomuluudnimo iyo wax Diinta Islaamkana aad ugu xun.
Boqollaal Ruux oo Dad waawayn iyo Dad yarar isugu jira oo ku dhaqan magaalada Bu’aale ayey Kooxda Al-Shabaab ka soo saareen guryohooda iyo goobaha kala duwan ee ay ku sugnaayeen, iyaga oo ku amray inay yimaaddaan Fagaaraha ay ku fulinayeen Toogashada saddexdaa Nin ee ay sheegeen inay dembiyada galeen, kuwaasoo iyaga oo Boqollaalka Dadweynaha ahi daawanayaan lagu fuliyey dilka qisaasta toogashada ah ee ay Maxkamadda Al-Shabaab ee Bu’aale ku xukuntay.
Waa markii ugu horreysay ee ay Kooxda Al-Shabaab oo ka dagaallanta qaybo dalka Soomaaliya ka tirsan deegaannada ay gacanta ku haysan Rag ay falkan inay isu galmoodeen ah oo kale ku soo eedayso Niman Soomaaliyeed, isla markaana dil toogasho ah ku fuliso Rag iyagu wax iska deyey siday ku eedaysay, balse marar badan ayey dilal ku fulisay Rag iyo Dumar ay ku eedeeyeen Basaasnimo iyo inay Sino sameeyeen.