Mandera-(Hubaal)-Kooxo hubeysan oo loo maleynaayo iney ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa ku dhowaad 40 Ruux oo hor leh waxay ku laayeen duleedka degmada Mandhera ee gobolka waqooyi Bari -kenya.
Wararku waxay sheegayaan in kooxahan hubeysan ay tageen meel kaawada (Dhagaxa) laga qodo oo ku taala meel 15 ka baxsan degmada Mandhera, halkaasoo ay ku laayeen illaa 36 ruux oo Kenyan ah.
Sida ay daabacaeen warbaahinta dalka Kenya Kooxaha hubeysan ayaa ka hor inta aysan wax leynin waxay dadkii kaawadaas ku sugnaa u kala saareen muslimiin iyo Masiixiyiin, iyagoo fasaxay kuwii heystay diinta Islaamka ka dib markii ay laayeen 36-da qof oo dhamaantood masiixiyiin ahaa.
Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in 36-da qof dhamaantood madaxa laga wada toogtay, iyadoo ay baxsadeen kooxihii weerarkaas fuliyey oo la tuhunsan yahay iney Al-Shabaab ka tirsan yihiin.
Ciidamada amaanka ayaa la sheegayaa iney ku baxeen goobtaas, iyadoo illaa hadda uusan jirin war ka soo baxay dawlada Kenya oo ku saabsan weerarkan dadka lagu laayey, sidoo kale Al-shabaab ayaan illaa hadda ka hadlin.
Todobaadkii hore ayey aheyd markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay duleedka Mandhera ka leexsadeen bas ay ku sii keeday Nairobi, iyagoo dilay 28 ka mid ahaa dadkii baskaas la socday oo isugu jiray rag iyo Dumar heystay diinta Masiixiga.