Al-Shabaab Oo Qabatay Doon Ay Saaran Yihiin 10 Qof Oo Ajaanib Ah

0
31

Ceel-dheer (Hubaal) Kooxda Al-shabaab ayaa gacanta ku dhigay Ugu yaraan Toban qof oo ajaanib ah degaanka Ceel dheer oo kamid ah degaanada ay ka taliyaan kooxdaasi ee badhtamaha Somalia.

Tobankan qof ee ajaanibka ayaa dooni ay wateen waxay ku soo galeen degaanka Ceel dheer ee gobolka Gal-gaduud,halkaas oo rag afka duuban oo ka tirsan Al-shabaab ay u kaxaysteen dadkan ajaanibka ah iyo doontii ay wateenba meel aan la garanayn,sidaa waxa noo sheegay goob jooge magaciisa qariyay sababo la xidhiidha dhanka amaanka.

alshabaabQayb ka mid ah dadka saarnaa doontan waxa loo malaynayaa inay ahaayeen Iran-niyiin. Doonta waxa la sheegay inay siday shidaal.

Kooxda Al-shabaab ayaan weli ka hadal arrintan.

Ma aha markii koowaad ee kooxda Al-shabaab afduubto doon ajaanib ah,Waxaanay ahayd horaantii sanadkan markii ururka Al-shabaab ay ka qabteen doon siday qaad meel u dhaw dekeda magaaladda Baraawe ee gobolka Shabeelada dhexe.

Ururka Al-shabaab ayaa iyagu dagaal kula jira dawladda federaalka Soomaaliya iyagoo doonaya inay ku soo dabaalaan xukunka Islaamka dalka geeska Afrika.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here