Al-Shabaab oo Shuruud adag ku Xidhay sii deynta Sarkaal Kenyan ah oo gacantooda ku jira

0
20

Nairobi:(Hubaal)-Wargeyska The Standard ee kasoo baxa Dalka Kenya ayaa qoray in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay shuruud adag ku xidheen sii deynta Sarkaal katirsanaa booliiska Kenya oo ay ka qafaasheen Saldhig Bolis oo ku yaalla Degaanka Damajaleh ee duleedka Libooya sanadii 2013-kii. Joseph Martin oo ah aabaha Dhalay Sargaalka Al-Shabaab ay qafaasheen ayaa Wargeyska u sheegay in rag katirsan Al-Shabaab ay lasoo xidhiidheen ayna shuruud adag ku xidheen sii deynta Wiilkiisa oo gacanta ugu jira.  sarkaalWaxa uu sheegay Aabaha dhalay Sargaalka ay haystaan Al-Shabaab in ay habeen hore soo waceen ayna wada hadlayeen mudo shan daqiiqo ah, waxa uuna tilmaamay in ay sii deyntiisa Wiilkiisa ku xidheen in Ciidamada Kenya ay ka baxaan gudaha Dalka Soomaaliya.  Joseph Martin ayaa u sheegay Wargeyska The Standard in mar kale ay Telefoonka kusoo celiyeen ayna la hadashiiyeen wiilkiisa, waxa uuna Dowlada Kenya ka codsatay in xaalka wiilkiisa il gaar ah ku eegto kana shaqeyso sidii noloshiisa loo bad baadin lahaa.  Aabaha dhalay Sargaalka ay haystaan Al-Shabaab ayaa sheegay in Dowlada Kenya aanay wax war ah ka helin tan iyo markii la afduubtay wiilkiisa bishii May 25-dii ee sannadkii 2013-kii, waxa uuna intaa raaciyay in xitaa Dowladu jartay Mushaharkii uu qaadan jiray Wiilkiisu.  Sarkaalka Al-Shabaab qafaasheen oo 58-jir ah ayaa dhalay 7-caruur ah, waxaana la sheegay in Carurtiisa qaarkood laga soo eryay iskuuladii ay dhigan jireen kadib markii ay awoodi waayeen bixinta lacagaha iskuulka sida uu aabhiis u sheegay Wargeyska The Standard.  Dowlada Kenya ayaa marar badan ku celisay in Ciidamadeeda jooga Dalka Soomaaliya aanay kala baxeyn ilaa laga gaadhayo hadafkii ay gudaha Soomaaliya usoo galeen, waxa ayna Al-Shabaab taa badalkeeda ku hanjabeen in ay kordhin doonaan Weerarada ay Kenya ka fuliyaan ilaa Ciidamada Kenya laga saarayo gudaha Soomaaliya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here