Al-shabaab Oo Tiro Badan Ka Khaarijiyey Ciidammada Burundi Dhawr iyo Toban Haween Ahna Qoorta Ka Gurey

0
33

Leego (Hubaal-W/wararka)- Xoogaga Ururka Al Shabaab oo maalintii shalay weerar  lagu hoobtay ku qaaday Saldhiga Ciidanka Amisom ee Deegaanka Leego ee Somalia ku lahaayeen, ayaa Halkaas ku dilay ugu yaraan 70-ka mid ah Ciidanka Burundi ee qaybta ka ah Amisom.  Al-shabaab-13Xoogaga Al Shabaab, ayaa Salaaddii Subax ka dib weerar qarax gaadhi loo adeegsaday ku galay Xerada Ciidanka Burundi, waxaana xigay ciidan xoog badan leh oo ku dhaqaaqay Xeradaasi, kuwaa oo ay u suurta gashay inay Xerada go’doomiyaan.  Shabaab, ayaa xoog kula wareegay Xerada Ciidanka Burundi, waxaa kaloo u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan saad militari, oo qayb ay ka yihiin gaadiidka dagaalka. Shabaabka waxay kaloo nolosha ku qabteen Saraakiil Amisom iyo Dowladda ka tirsan.  Waxaa kaloo soo baxaaya Shabaabku inay gacanta ku dhigeen Gudoomiyaha Deegaanka Leego, Abuukar C/laahi Isxaaq (Al Cadaala) iyo saraakiil sare oo maamulka Halkaas ka taliya xubno ka ahaa.  Sidoo kale waxay Shabaabku hore u sii kaxeysteen ganacsato yar yar oo ka tirsan kuwa ku nool Deegaanka Leego, ilaa iyo hadda lama garanaayo halka ay ula dhaqaaqeen ganacsatadaasi. Shabaabka oo weli ku sugan Deegaanka Leego, ayaa waxay ku dileen 13 ka mid ah dumarka Deegaanka, kuwaa oo ay si dhow ugu eedeeyen in gacan saar la lahaayen Amisom. Laba ka mid ah dumarka la dilay, ayaa Xerada Amisom ku haystay goobo ganacsi.  Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa qiray Shabaabku inay weerar xoog badan lihi ku soo qaadeen Deegaanka Leego, ilaa iyo hadana ay ku sugan yihiin Leego.  Gudoomiyaha, ayaa ku waramaaya in Shabaabku ay khasaaro buuran u gaysteen Ciidanka Amisom, ayna qafaasheen Saraakiil ka kala tirsan Dowladda, Amisom, Maamulka Koonfur Galbeed iyo ganacsato reer Leego ah. Arrinta layaabka leh, ayaa waxaa weeeye, iyadoo Ciidamada Dowladda iyo Amisom ay isaga carareen Xero Militari oo ku dhow Deegaanka Leego, markii ay garowsadeen Shabaabku inay la wareegen Saldhigii Amisom ee Leego.  Weerarkan, ayaa ku soo beegmaya, iyadoo 11-kii bishan ay Ururka Al Shabaab weerar ballaadhan ku qaadeen Ciidamada Amisom ee Itoobiya ka tirsan, xilli ay sahay u wadeen Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay. Weerarkan wuxuu ku qabsaday Deegaanka Buulo Jameeco oo 20km u jirta Buurhakaba.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here