Mandhera:(Hubaal) Koox hubaysan oo katirsan Ururka Al Shabaab ayaa weerar khasaare geystay ka fulisay gudaha magaalada Mandheera, ee waqooyiga Bari ee dalka Kenya habeen hore oo khamiisi soo galaysa.
Cali Roba, Gudoomiyaha magaalada Mandheera ayaa xaqiijiyay in lagu dilay 6 Qof, mid kalena lagu dhaawacay, waxana uu weerarkaasi ahaa mid si weyn loo qorsheeyey.
Guddoomiyuhu Waxa uu sheegay in ciidamada amniga Kenya ay ka jawaabeen falkaasi, islamarkaana ay kasoo badbaadiyeen 27 Qof, kuwaasi oo qeyb ka ahaa dad badan oo lagu weeraray guri ku yaalla Mandheera.
Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka, kaasi oo ay ku tilmaameen mid ay ku bartilmaameedsadeen dad Masiixiyiin ah oo u dhashay dalka Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in Dagaalyahanada Al shabaab ay Qarax la eegteen ciidamo Kenyan ah, oo isku dayay inay u gurmadaan dadka ku jiro Goobta la weeraray.
Afhayeenka dhanka Howlgallada Al shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Musab wuxuu sheegay in weerarka Ujeedkii ay ka lahaayeen gaadheen, islamarkaana ay ku dileen Lix Kirishtaan ah.
Ragga weerarka Mandheera ka fuliyay, ayaa la sheegay inay xidhnaayeen darayska ciidamada Kenya, kuwaasi oo weerarka kadib kasoo tallaabay xuduuda Kenya ay la leedahay Somaliya.
Howlgallada Al Shabaab ee Xadka Kenya iyo Somalia ka gudubka, ayaa sii kordhayay wixii ka danbeeyay markii ciidamada xukuumadda Nairobi soo galeen gudaha waddanka Somalia Oct, 2011.