Al-Shabaab Oo Weeraray Degmo Ku Taal Waqooyi-Bari Ee Kenya

0
37

Dabley ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa gudaha u galey degmada Yunbis oo ka tirsan waqooyi-bari Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in dableydu ay gashay degmada Yunbis oo Garissa ka tirsan iyo degmooyin kale.

Wasaaradda arr. gudaha Kenya ayaa xaqiijisay weerarka, iyadoo sheegtay in dableyda la iska caabiyay oo halkaasi laga saaray kadib markii ciidamada amnigau ay dagaal la galeen.

alshabaabDabelyda al-Shabaab ayaa wararku sheegayaan ka horintii aan halkaasi laga saarin inay ka taageen calanka madow ee al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa bishii hore weeraray oo gudaha u galay jaamacadda magaalada Garissa, halkaasina waxay ku dileen in kabadan 148 qof oo arday u badan.

Al-Shabaab ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan Kenya, iyago sheegay inay uga aargudanayaan joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here