Albaabkii Mustaqbalkay xidheen! – W/Q. Cabdinaasir Axmed Aadan

0
55

Xaddaaradda bini-aadamka cilmiga iyo aqoonta ayaa bar bilow u ah. Maskaxda oo ah shayga Alle inooga faddilay noolaha kale ayaa ah mida aynu ku fekerno, wax ku kala xukuno, wax ku xasuusano, kuna

naasir axmed aadan

saadaalino timaadada. Ka faa’iidaysiga awoodaha maskaxda ayaa kala hore marisa Aadamaha, qoomiyadaha iyo wadamadaba. Dadyowga la baro isticmaalka awoodaha maskaxooda, waxaa lagu quudiyaa cuntada maskaxda. In badan ayaa waxaan raadinaa inaan dhar qurux badan soo iibsano, meelo qurux badan u casho tagno, ku soo caweyno, xafladu ama goobo lagu madadaaloodo tagno. In badan ayaan ku bixinaa inaan jidhkeeda qurxino, lacag badana ku bixino. Taas aad baan u naqaanaa sharaxaadna inoogama baahna. Balse, miyeysan ahayn inaynu maskaxdeena qurxino, quud fiican la raadino, meelo qurux badan ku soo cawaysiino horese ma uga fekertay? Ma ogtahay in akhrisku bedelayo noloshaada, kobcinayo garaadkaaga, kor u qaadayo xusuustaada, kuu abuurayo xasilooni – yahayna iftiinka nolosha. Ma ogtahay inuu yaahay waajib ku saaran. Xusooso waxyigii ugu horeeyey ee ku soo dega rasuulka salawaatullaahi wasalaamu calayhi oo ah “Akhri magaca Illaahay, kii abuuray dadka ee dadka ka abuuray xinjir, akhri Rabigaaga kariimka ah, ka baray sida qalinka wax loogu qoro, ee baray dadka waxaay aqoonin. Tan waxaan ka baranaynaa sida diinteena sharafta leh u qiimaysay cilmiga iyo sida inoogu waajib tahay barashadiisu si jahliga looga baxo. Waxaa sidoo kale Rasuulku SCW ina farayaa inaan raadsano cilmiga, inaan uraadsano xataa hadii meel dheer ay tahay halka laga helayo sida Shiinaha. Akhriska ayaa noo sahla inaan la noolaado dadyow xili hore noolaa, xadaarado hore, waxay noo yihiin shaashad aan kula kulmi karno mufikiriintii dunidan bedelay, waxayna nagu abuurtaa in yeelano indho kale oo noo sawira humaaga, ku abuura maskaxdeena inay ku fekerto yididiilooyin, na geliya qiiro, mararka qaar naga qosliya nana madadaaliya. Akhriska waa albaabka aqoonta, waa warshada soo saarta mufakariinta mustaqbalka, wuxuu bedelaa nolosheena – sidoo kale waa furaha mustaqbalka.

 

Xaggeen wax ku akhrisannaa? Waa tanoo albaabkii aqoonta lanaga xidhee, furihii mustaqbalkana la naga tuuree, waa tan Gandi Public Library lanaga xidhee! Aan ooyee albaabka ii xidha. Meeday riyadaydi, xilimaan qoraa noqon doonaa? Halkaan ka heli qoraayadii aan ku dayan jiray, aan la sheekaysan jiray, wakhtigooda ii huri jiray, noolaa wakhti hore, ana igula noolaa qoraaladooda. Xageen ku qaataa wakhtiga aan firaaqada leeyahay, ma maqaaxiyahaan tagaa oo ka tororog leeyaa oo reer qudhac iyo reer galool ku kala guraa, ilayn waa tanoo halkii iftiinka noloshu iiga imanaysay, quudinaysay maankayga albaabada loogu xidhaye. Hadduu akhrisku qiime ku leeyahay bulshadeena waxaan arki lahayn goobo akhris oo badan oo furma, maqaaxiyadaha ayaa xitaa isu bedeli lahaa goobo akhris! Somalida waxaa loogu yeedhaa dadkii hadalka, waa dad noloshoodu hore u badnayd xoolo dhaqato iyo reer guuraanimo, akhriskuna ka mid ahayn noloshooda, sidoo kale noloshoodu waxay ku koobnayd inta xoolohoodu ka cabaan. Waa sababta aan telefoon gacmeed uun u sidanaa, buugna u haysan, waa tan keentay inaan bakhaaro u bedelno goobihii akhriska.

 

Taariikhdu iyadaa is qorta, halka maanta rag ku fekerayaan inay goobihii akhriska u bedelaan bakhaaro ganacsi ayaa rag badanina maskaxdooda, maalkooda iyo maankooda u hureen inay u hibeeyaan cilmiga bulshadooda, ma ilaawayso taariikhdu aabihii waxbarashada Soomaaliyeen Maxamuud Axmed Cali AHN. Quraanka ayaa waxaa in badan ku soo aroortay “miyey simanyihiin kiina wax bartay iyo kiina aan wax baran” Cid kasta oo iibinaysa ama iibsanaysa Gandi Public Library waxaan ka codsanaynaa, inay ka noqdaan – Waa goob bilaash ah, lacag cidna laga qaadin, qofkastana akhris u tegi karo, fadaln hanaga xidhina iftiinka nolosha, u ogalaada in qofkasta helo xaqa uu u leeyahay inuu wax barto, akhriyo, xaqa umad dhami inay wax barato. Malcom X. ayaa tusaale inoogu filan oo ahaa derbi jiif, noloshiisana ay bedeshay akhrisku iyadoo ka dhigtay shakhsi ku dayasho mudan oo la nool lana noolaan doona fac kasta, rajona u abuuraya qof kasta oo nolosha ka dhaca, waa haddii goobaha akhisku akhrisku jiraane! Waxbarashadu waa furaha lagula tacaalo xaqdarada, lagu baai’iyo faqriga, waa furaha horumarka, nabada, caafimaadka, dhaqaalaha. Waa masuuliyad ina saaran shakhsi ahaan, mujtamac ahaan iyo dawladba in aan goob cilmi lagu barto la xidhin.

 

Haddii arintani hirgasho waxaa xigi in dugsiyada iyo jaamacadahana la iibiyo iyadoo ardaydu fasalada ku jiraan. Waxaan idinkaga tegi murtidan kooban ee uu inooga tegay Xaaji Aadam Afqallooc AHN

 

Murtida iyo aqoontiyo cilmigu malaha miisaan’e

 

Hadduu sida muwaashiga ciyuu muudal yahay soocan

 

Nin adduunyo maantaa hayaa mawlaheen noqoy’e

 

Xaqii wuxuu midiidin u yahoo anu kamaarmaynin

 

Ninkii muluga xoolaha hayiyo kii martabad weyn’e

 

Waxaa cadaaladii magan u tahay raasamaaliga’e

 

Mugdi baynu soconaa habeen meelaan nuur jirin’e

 

Maxaa idinku maaweeliyaa miridhay laabtii’e – Marwo – 1962

 

Cabdinaasir Axmed Aadan

 

Email: afgobaad@hotmial.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here