Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdillaahi Maxamed Cawaale (Iskooj) oo ku geeriyooday, laguna aasay magaalada Hargeysa caawa oo taariikhdu tahay tahay 19/06/2017.
Marxuum Cabdillaahi Maxamed Cawaale (Iskooj) waxa uu ka mid ahaa mujaahidiintii waawaynaa ee ciidammadii dib-u-xoraynta Somaliland ee SNM oo uu ku jiray raggii ugu hortallaabay, waxaannu door wayn ku lahaa halgankii dalka lagaga xorreeyey nidaamkii dawladdii Kaligii-taliyihii Siyaad Barre, isagoo markii dambena ka qaybgalay hub-ka-dhigistii iyo nabadayntii dadka reer Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.
Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE
