Wasiirkii hore Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali Ayaa Dhawaan isaga iyo Kooxdii Isbahysiga KULMIYE ka cadhootay ku Biireen xisbiga mucaaridka ah ee WADANI, Deynabadda Wareejineysey kooxdan ayuu ahaa wasiir xirsi, fikrad iyo mabda uu aaminsan yahay in uu maalin uun gaadhaana wuu u marayey kolba waddada uu isagu doono.<br>
Wasiir xirsi hadii taariikhdiisii dib ugu noqono, waxaa uu ku soo dhex barbaaray intii danbe oo soo gacan qabtay adeeradii siiba Dahab shiil oo markii hore ka shaqeyn jiray iyo madaxweyne siilaanyo oo awooda hada uu sheeganayo siiyey.
Wasiir xirsi waxaa uu munaasibadii uu WADANI ku biirayey ka sheegay in Isbahaysigii Jeegaanta ku bedelayo Giraan, balse waxaa xaqiiq ah in dalkeena laba xeer lagu dhaqmo oo la isku tixgaliyo bulsho ahaa kuwas oo kala ah xeerkii dhaqanka oo beelaha u noqda iyo xeerka qaran oo dastuurku kow ka yahay
Wasiir xirsi waxaa uu hore u ixtiraami waayey oo uu jabiyey dastuurka dalka ka dib markii uu ku wacad furay madaxweyne siilaanyo oo ku magacaabay si ixtiraam iyo qadarin leh qodobka 90 aad ee dastuurka dalka, taas oo isagoo aanay madaxweyne siilaanyo isku dhicin uu garan waayey in uu ixtiraamo madaxweynaha uu 90% awoodiisa adeegsanayey, sidaa kaga muu tagine waxaa uu sababay in uu xubno tiro badan oo golihii wasiiradda ee madaxweynuhu magacaabay uu hormuud ugu ahaa in ay is wada casilaan, taas oo uu u badheedhay in uu dumiyo xukuumadii qarankani lahaa, dalkana halis u galiyey
Mar labaad waxaa uu wasiir xirsi u heelan yahay in uu jabiyo xeer dhaqan oo ay beeshiisa iyo beelo kale ku heshiiyeen,isagoo tiisa mar walba hor marinaya, waxaynu ogeyn in xilligii uu koomishanka doorashooyinka qaranka ku jiray uu awood isticmaalay oo uu gawaadhi kurta ka jaray iyadoo la ogaa xanuunkay qarankan ku laheyd, balse uu damiirkiisu siiyey in uu noqdo albaabka madaxtooyadda laga galo doorashadii KULMIYE uu guuleystay ka dib
Hadal iyo dhamaan, wasiir xirsi waddo kasta uu u maraya, xeer iyo sharci kasta oo jirana wuu u jabinayaa si uu u gaadho hamigiisa Kursi jaceyl ee uu ku taamayo taas oo ah in uu dalka maamulo. Waxaase la eegi doonaa heshiishkii madmadowga badnaa ee xisbiga WADANI uu la galay halka uu ku danbeeyo.
Alla Mahad Leh
W/Q: Maxamed Jaamac Ciise (Buraalle)