“ Waxaanu Naqaannay Xisbi Qofkii Doonaa Uu Kelidii Ku Galo Tiisa Xort Ah Oo Kaga Baxo. [Laakiin] Waxa Isu Gu Kaayo Xiga Warka Dedaalka Wasiir Samsam Ee Gurmadka Abaaraha Iyo…” – Rashiid Gadhweyne
London (Hubaal)- Aqoonyahanka suugaan-dhaadhiga ah ee Rashiid Sh. Cabdillaahi (Rashiid-gadh-weyne) ayaa ka hadlay xaallada abaareed ee dalku ku sugan yahay xilligan, taasi oo uu ugu magac daray [Abaarta Soof-mareebto). Rashiid Gadhweyne oo kamid ah aqoonyahannada dalkani leeyahay isla markaana kaalinta muhiimka ah ku lahaa halgankii Somaliland ee SNM Horseedka ka ahayd waxaa uu dhinaca kale bogaadiyey qaabka ay xukuumaddu uga qayb qaadanayso gurmadka abaaraha oo uu farta ku fiiqay wasiir Samsam Cabdi Aadan oo uu sheegay in ay dadaal dheeri ah ugu jirto inay taakulayso dadka abaaraysan, taas bedelkeeda se waxaa uu dhaliilay xafladaha is daba jooga ah ee loo qabanayo taageerayaasha u kala gooshaya axsaabta oo uu ku tilmaamay kuwo macno beel ah oo masuuliyadi aanay ka muuqan. Sidaasina waxaa uu kusheegay Rashiid-gadhweyne qoraal kooban oo uu habeen hore ku baahiyey barta uu degelka Facebook ku leeyahay, qoraalkaas oo uu hal ku dheg uga dhigay “…Sii digorogtay… soo digorogtay…iyo musiibada abaarta soofmareebtada ah ee dad iyo duunyaba ka daba timid”. Sidaas ayuu yidhi Muj. Rashiid Gadhweyne waxaanu intaa ku daray “ Waxaan naqaannay Xisbi qofkii doonaa kelidii tiisa xort ah ku galo oo kaga baxo. Waxa isu gu kaayo xiga warka dedaalka wasiir Samsam,Guddida Abaaraha, iyo dadka qaadhaanka ururinaya iyo geesta kalena xaflad ballaadhan oo loo qabtay boqollaal qof “ka soo..ka sii ” been soo digarogatay oo sii sii digarogatay..Allahiin Alle ma yahay ?dhegaha nooga baxa. Dedaalka waxqabadka abaaraha iyo taakulada dadka ka hadha,haddaad doontaan oo naga daasta beenta soo digoroganaysa ee sii digoroganaysa.” Ayuu yidhi Rashiid Sh, Cabdillaahi.