Afar Qof Oo Uu Ku Jiro Wiil Hadda Uun Kasoo Qalinjebiyay Jaamacad Dalka Dibediisa Ah Oo Ku Geeriyooday Rasaasta Ciidanka Liyuu Booliska Ee DDSI Shicib Ah Oo
Allaybaday (Hubaal) Ciidamada Liyuu boolis ee dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa toogasho ku dilay Saddex nin gelinkii hore ee maanta magaalada Allaybaday
Ciidankan ayaa kasoo galay xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya ee ku taalla Allaybaday, kadibna waxay usoo dhaafeen dhinaca Somaliland.
Lama garanayo sababta uu ciidankaasi usoo galay magaalada Allaybaday iyo sababta ay rasaasta ugu fureen dadka.
Dadka geeriyooday ayaa waxa ku jira wiil dhallinyaro ah oo ay haleeshay rasaasta ciidankaasi ridayay, wiilkaasi oo lagu magacaabo Naasir Cabdi Aadan, sida uu HUBAAL u xaqiijiyey guddoomiye-ku-xigeenka degmada 26-juun ee xisbiga Kulmiye, Muxiyadiin Cabdi Shiil, oo abti u ahaa marxuumkaas.
Guddoomiye Muxiyadiin Shiil ayaa hubaal u sheegay, in dhaawaca wiilka uu abtiga u ahaa loola soo cararay dhinaca magaalada Hargeysa oo uu markii dambena u geeriyooday. Wiilkan ayaa dhawaan kasoo qalinjebiyay jaamacad dalka dibediisa oo waxbarasho ugu maqnaa, sida uu sheegay Abtigii, Muxiyadiin Cabdi Shiil
Ciidankan ayaa la sheegay inay magaalada soo galeen gelinkii hore ee maanta ilaa haddana ay ku sugan yihiin.
Ciidanka Somaliland ee ku sugan xuduudka ay labada dal wadaagaan ee ku yaalla Allaybaday, ayaan ka badnayn afar askari, maadaama aanay wax iska caabin la kulmin ciidanka Liyuuga ee soo galay.
Sida Hubaal loo xaqiijiyey, waxa weli socota rasaasta ay ridayaan ciidanka Liyuu Booliska ee halkaasi soo galay