Allaylehe qod baa dhacay! – W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar
Geerida Prof. Maxamed Barkhad Miiggane: Allaylehe qod baa dhacay!. Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waxa goor dhoweyd (30/3/2015) la ii soo sheegay geerida mid ka mid ah qodimmadii waxbarashada aasaasiga ah iyo tacliinta jaamacadeed ee Somaliland; waa macallinkaygii qayuurka ahaa ee Maxamed Barkhad Miiggane oo “Xamaal” lagu naanaysi jiray.
Macallin Miiggane waxa aannu si fiican isugu barannay waxbarashadii shahaadada 1aad (Biomedical Sciences) ee Jaamacadda Hargeysa. Waxa uu ii dhigay afar course – Anatomy I, Anatomy II, Physiology I, Physiology II – oo aad u qiime badnaa, xiise badnaa, isla markaana wax badan ka taray kobocayagii aqooneed.
Waxa hubaal ah in xiisaha xooggan ee aannu maaddadahaa u haynnay ay sabab u ahayd waayo’aragnimada salka ballaadhan ee uu aqoontan u lahaa Marxuumku. Waxa uu ahaa lecturer dhab ah oo isaga oo aan is lurin si dareer ah u jeediya lecture cilmi ah. Muu ahayn macallin ku cajsi galinaya oo hadba note-ka ku foorarsanaya ee waxa uu ahaa nin dusha ka haya waxa uu dhigayo, oo si fudud kuu dhacsiinaya.
Shakhsiyad ahaan, waxa uu ahaa qof farxaan ah, weji furan oo inta badan dhoollacaddeeya. Waxa kale oo uu ahaa macallin dhiirrigaliya ardaydiisa, haga, hanuuniya, isla markaana dhabbaha toosan u tilmaama. Muu ahayn keli ah bare wax noo dhiga oo deetana fasalka ka baxa ee waxa uu sidoo kale noo ahaa waalid na daneeya oo noo hanweyn.
Sida laga yaabo in macallimiin badani la wadaagaan, waxa uu mar kasta jeclaa in ardaygiisu guulaysto. Markii dambe ee aannu Jaamacadda dhammaysannay, mar kasta oo uu suuqa igaga soo hor baxo waxa uu igu dhiirrigalin jiray tacliinta iyo dedaallada kale ee nolosha lama huraanka u ah. (Xuquuqda qoraalkan waxa iska leh Weedhsan.com).
Xilkaa macallinnimada oo kali ah kumuu jilnayn wakhtiyadaa uu baraha noo ahaa ee waxa uu se sidoo kale ahaa xubin ka tirsan Baarlamaanka Somaliland. Golaha dhexdiisa aad ayuu uga muuqan jiray, waxaanu muddo dheer ahaa Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo ka mid ah guddiyada ugu shaqada badan ee golahaa. Isaga oo masuuliyaddaa qaran ee aadka u culus ku jilan ayaanu haddana mar qudh ah seegi jirin waajibka kale ee culus ee macallinnimada.
Muddo afartan sanno ka badan ayuu marxuumku ku jiray shaqada macallinnimada, isaga oo kaalin xooggan ka soo qaatay casriyayntii waxbarashada laamihii cilmiga ee dalkii Soomaaliya. Wixii ka dambeeyay 1991, marxuum Barkhad waxa uu tamar badan galiyay yagleelkii iyo horumarintii waxbarashada Somaliland, mid hoose iyo mid sare ba.
Waxa uu sidoo kale door muuqda ka soo qaatay dibuheshiisiintii, nabadayntii iyo dibudhiskii dalka Somaliland. Waxa uu ka mid ahaa Baarlamankii ugu horreeyay ee dalku yeesho, isaga oo noqonaya mudanayaasha ugu muddada dheer ee soo maray golayaasha dalka.
Muddadaa waxa uu marxuumku wax badan ka taray dejinta xeerar badan oo muhiim u ah qaranka. Waxa kale oo xusid mudan in Prof. Miiggane ka mid ahaa guddiyadii wax ka qoray dastuurka maanta ee qaranka Somaliland. (Xuquuqda qoraalkan waxa iska leh Weedhsan.com).
Waxa uu ka mid ahaa mudanayaashii ugu codka badnaa doorashadii golaha Wakiillada ee 2005 ka qabsoontay dalka. Waxa uu ka soo baxay gobolka Awdal oo uu maanta 30/3/2015 xaqii ugu yimid.
Allaah ha u naxariisto macallinkaygii iyo macallinkeennii weynaa ee Prof. Maxamed Barkhad Miiggane “Xamaal”, dhammaanteenna samir iyo iimaan ha innaga siiyo.
Aammiin. Aammiin.
Bahda Qalinleyda Weedhsan media
Email: halabuur@hotmail.com
Facebook: Mohammed Suleiman
Hargeysa/Somaliland.