Alshabaab Oo Markii U Horreysay Soo Bandhigtay Dhukumentari Ku Saabsan Hoggaamiyehoodii Aan Sawirka Laga Hayn Ee Axmed Cabdi Godane

0
243

Akhri Warbixin Ku Saabsan Taariikhda Uu Filimkani Ka Sheekaynayo+Daawo Dhukumentariga Ay Ka Diyaareen Axmed Cabdi Godane

Alshabaab Oo Markii U Horreysay Soo Bandhigtay Dhukumentari Ku Saabsan Hoggaamiyehoodii Aan Sawirka Laga Hayn Ee Axmed Cabdi Godane

Moqdisho (Hubaal)- Ururka Al-Shabaab Al-Shabaab ayaa Taariihda markii ugu horeysay waxaa ay   soo bandhigeen muuqaalo iyo Sawirro uu ku jiro Hoggaamiyihii hore ee xarakadaasi Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaanay Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr, iyadoo muuqaalkan lagaga sheekeynayo taariikhdiisa nololeed.

Muuqaalkan oo soconaya 1:24 daqiiqo ayaa waxaa lagu arkayaa hogaamiye Axmed Cabdi Godane (Abuu Zubeyr) oo xidh an dhar madow, kuna hubeysan qoriga AK47,sidoo kale waxaa looga hadlayaa taariikhdii Islaamiyiinta Soomaaliya, laga soo bilaabo sagaashameeyadii iyo sida ay ku aas aasmeen iyo bilaabashadii Maxkamadihii Islaamiga.

abuzibyr3 (2)Waxaa kaloo muuqaalka looga sheekeynayaa waxbarashadiisa dalka Pakistan iyo dagaaladii uu ka soo galay dalka Afghanistan. illaa soo laabashadiisii Hargeysa dhamaadkii sanadkii 1999 iyo imaanshihiisa Koofurta Soomaaliya sanadkii 2003-dii. Sidoo kale Muuqaalkan ayaa lagu soo bandhigayaa dagaaladii ka dhacay Gedo sagaashameeyadii, sidoo kale waxaa looga sheekeynayaa dagaaladii Ciidamada Mareykanka iyo Jeneraal Ceydiid oo ay qeyb ka ahaayeen koox uu ka mid ahaa Aadan Cayrow.

Waa markii u horeysay ee muuqaal iyo sawiro lagu arko wajiga Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Abuu Zubeyr, iyadoo aan wali lagu arkin fagaare ah, intii uu qeybta ka ahaa dagaaladii Al-Shabaab ka waday Soomaaliya, waxaa uu ahaa nin is qarin jiray.

Waxaa ay aheyd bishii September ee sanadkii 2014 ayay aheyd markii diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeyn ku dileen duleedka magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.


Capture-10
Ina Cabdi Godane

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here