Weriye Cawil Daahir Salaad oo ka tirsanaa Telefishinka Universal ayaa ku dhintay qaraxyadaasi
Ugu yaraan 10 qof oo u badan askarta dowladda ayaa ku dhintay qarax ka dhacay bar koontarool oo ku hortaalla Tiyaatarka Qaranka, waxayna u badnaayeen illaalada guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka gobolka Banaadir Maxamad Tuulax oo marayay meesha uu qaraxu ka dhacay. Waxa la sheegayaa in isaga laftigiisa uu dhaawac ka soo gaadhay. Labo qarax oo gaadhi loo adeegsaday ayaa saaka ka dhacay magaalada Muqidisho. Kan hore ayaa ka dhacay illinka Tiyaatarka Qaranka, halka Qaraxa labaadna uu qiyaastii muddo soddon daqiiqo kaddib ka dhacay taallada Daljirka Daahsoon. Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay. Ururka Alshabaab ayaa sheegtay mas`uuliyadda qaraxyadaas. Sida ay BBC-du sheegtay waxa halka ay qaraxyadu ka dhaceen gaadhay gawaadhida ambalaasta.
Geesta kale, waxa qaraxyadaasi maanta ka dhacay Muqdisho ku geeriyooday Weriye Cawil Daahir Salaad oo ka tirsanaa Telefishinka Universal, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan shaqaalaha Universal ee Muqdisho oo maydkiisa arkay. Sidoo kale labo ka tirsanaa illaaladiisa ah iyo darawalkisii ayaa la dhintay weriyaha.