HUBAAL Ka Akhri: Xukuumadda Oo Xiisadda Siyaasaddeed Ee Xilligan Oogan Darteed Ammaankii RADIO Hargeysa Iyo SLNTV U Dalbatay Ciidammada Qalabka Sida

0
26

Hargeysa (Hubaal) Xukuumadda ayaa Ammaanka Wasaaradda Warfaafinta aad u adkaysay. Ciidamada Qalabka sida oo ku gaashaaman Hubka noociyadiisa kala duwan iyo gaadiidka Dagaalka ayaa la sheegay in ay la wareegeen amaanka iyo ilaalada Wasaaradaasi.

Shaqaalaha  iyo dadka caadiga ah ee Wasaaradaasi hawluhu ay ka galeen ayaa aad loo baadhayaa, halka Studiyeyaasha Idaacada iyo Telefishanka Qarankana ay hor taagan yihiin ciidamo hubaysani.

Lama garanayo sababta ay Xukuumaddu ay ciidamada Qalabka Sida ugu soo daadisay Wasaaradda Warfaafinta, hasayeeshee wararka soo baxaya ayaa sheegay in khilaafka Kulmiye oo aad u cakirani ay sabab u tahay in amaanka Wasaaradda Warfaafinta aad loo adkeeyo.

Dhinaca Kale Idaacada Radio Hargeysa ayaa bilawday Barnaamijyo su’aalo lagu waydiinayo Wariyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka sida ay dadku u arkaan murashaxnimada Madaxweynaha  Somaliland iyo Khudbad lagaga soo duubay Madaxweynaha shalay qasriga Madaxtooyada.

Hogaanka xisbiga Kulmiye ee aan madaxweynaha kula aragtida ahayn sida uu ilaa iminka u socdo xisbiga kulmiye ayaan wararkooda laga sii daynin Idaacada iyo Telefishanka, halka garabka ay is hayaan ee dhinaca saaray Madaxweynaha Somaliland si baaxad leh loogu buunbuuniyo.

wasaarada warfaafinta.jpg

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here