Cali Maxamed yuusuf (Cali gurey)oo aan in badan aqoon u lahaa kuna jeclaa, mucaaridada xukumada KULMIYE iyo dhaliilaha dhabta ah ee uu had iyo jeer warbaahinta ka tabiyo,ayaa maanta la soo baxay ged cusub oo aanan hore ugu arag uguna aqoonin ,taas oo sida ka muuqata,uu ku kale jeclaystay labada Musharax ee kale ah Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Biixi yoonis oo Xisbiga KULMIYE ku loolamaya, islamarkaasina aan u arko labadisii gacmood.
Mujaahid Cali Gurey tuu keenaaba tii kale ka daran, shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtey xarunta xisbiga UCID ee Hargeysa waxa uu kaga hadley Fashilaada ku timi, tartankii ciyaaraha gobolada Somalailand oo Xukumadu dib u dhigtey, waxaanu ku darey in ciyaaryahanadii Gobolka Xaysimo, sahey la’aan dib uga noqdeen Hargeysa, iyagoo ku sii jeeda magaaladda Taleex ee Bariga Somaliland, waa dhaliil dultaal xukuumada in Ciyaartoygaasi uu sahey la’aan kaga noqdo Hargeysa , bale waxaan meesha qaban,Amaanta Cali Gurey uu kula Dul dhacey Wasiirkii is casiley ee Xirsi,oo bulshada Somaliland gudo iyo debadba ay taqaaney wuxuu yahay,islamarkaasina ahaa nin xurmadii iyo karaamadii, milgihii iyo sharaftii Xukumadda Somaliland ay lahayd burburiyey, kuna beddeley dhismaha qabyaaladeed iyo ku tagri falkeeda,iyo ku faanisteeda, islamarkaasina uu ahaa ninka xalaleeyey,in hantida ummadda la boobo oo lagu faano. Cali gurey marka uu leeyahay Wan hamalyeynayaa, Ninka Somaliland Dibu dhaca intaasi leeg ku sameeyey ee Xirsi, Ma Dambibaa igu qabanaya in aan yidhaahdo Amaanta Cali Gurey uu kula Dul kufey Xirsi waxa ka keenay,Tageerada Xirsi uu fidiyey Maxamed Biixi yoonis oo Cali gurey ay isku jufo yihiin.
W/Q: suxufi Maxamed Ismaciil Cumar (Maxamed Biid)