Amarkii Ay Xukuumaddu Kasoo Saartay Baasaaboorka Xamar Ee Hargeysa Laga Bixin Jiray Oo Saameeyey Xujaajta JSL Ee Sanadkan

0
32

Hargeysa (Hubaal)- Amarkii ay dhawaan xukuumaddu ku mamnuucday isticmaalka baasaaboorka Soomaaliya ee ay ku suntahay in Magaallooyinka dalka Somaliland laga bixiyey ayaa saamayn togan iyo mid tabanba ku yeeshay dhaqdhaqaaqa dadka kasoodegaya ama ka dhoofaya dalka. Warar aan sugnayn oo wargeyska HUBAAL ka helay ilo kala duwan ayaa weriyey in kadib amarkii uu dhawaan bixiyey taliyaha waaxda socdaalka ee Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) ee ku xidhiidhsanaa hawlgalkii ay ciidammada Imigarayshanka iyo kuwa biliisku ku soo qabteen kooxo si qarsoodi ah dalka ugu samayn jiray baasaaboorkaas, kaasi oo taliyuhu ku amray hay’adaha ammaanka ee ku sugan xuduudaha cirka [madaarrada] iyo dhulka ee dalka in aan waajibkooda ka gutaan cidii soo galaysa ama ka baxaysa dalka ee sidata baasaaboorka Soomaaliya ee ay ku qoran tahay in laga bixiyey Hargeysa ayaa fulinta amarkaasi mashquul badan geliyey isu socodka madaarrada iyo xuduudaha dalkaba, isla markaana uu caqabad ku noqday amarkaasi muwaadiniin isugu jira shacbi iyo masuuliyiin dawladeed kuwaas oo sitay baasaaboorkan ay ku qoran tahay bixintiisu Hargeysa. passportCaqabadahan oo daba socda amarka hoggaanka waaxda Socdaalka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale uu saamayn taban ku yeesheen dadka sanadkan raba in ay soo gutaan waajibaadka Xajka, kuwaas oo isugu jira kuwo hayta baasaaboorka Hargeysa laga bixiyey iyo kuwo aan lahayn baasaaboor oo ka cabsi qaba in qaadashadiisu ay carqaladayso amarka dawladda, sidaasina ay kaga baaqdaan gudashada wajaibaadka xajlka. Dhinaca kale kooxihii ay dhawaan xukuumaddu gacanta ku soo dhigtay iyaga oo dadweyne u samaynaya baasaaboorkan isla markaana hawl-gal ay ka fuliyeen hotel ku yaalla bariga Hargeysa ay ku soo xidhxidheen hawl-wadeennadii hawshaas ku fooganaa iyo masuuliyiintii Hotelkaba ayaa warku tibaaxay in gacan ku dhigistaasi cabsi ku abuurtay mukhallasiintii dhinaca Muqdisho u joogay ee wakiilka u ahaa kooxahan la qabtay, kuwaas oo ka cabsi qaba in uu fashilmo qandaraas ay maamulka Muqdisho kaga soo qaateen fududaynta hawshan bixinta baasaaboorka. Kooxaha ay ciidammada amaanku u soo xidheen qaddiyadan ayaa toddobaadkii hore oo u qorsheysnaa in maxakamadda la horkeennaa ay dib u dhacday iyada oo maxakamaduna ay rumaan ud irtay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here