Amiirka Qadar Oo Ku Baaqay In La Xalliyo Khilaafka Khaliijka

0
77

amiirka qatar

Amiirka dalka Qadar ayaa ku baaqay in wada xaajood lagu xalliyo khilaafka dalkiisa kala dhexeeya afar waddan oo Carbeed oo ay jaar yihiin. Waa khudbaddiisii ugu horreysay tan iyo markii ay dalalka Sucuudi Carabiya, Masar, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta ay xayiraado dhaqaale ku soo rogeen dalkiisa bishii la soo dhaafay.

Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani waxaa uu ku baaqay wadahadal si loo dhammeeyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan dalkiisa iyo afartab waddan ee Carbeed.

Waxaa uu sheegay in nolasha dalkiisu ay caadi ku socoto inkastoo lagu hayo wax uu ugu yeeray go’doomin aan xaq ahayn.

Amiirku waxaa uu sheegay in Qadar ay si aan ka daalid iyo jixinjix lahayn ula dagaallamaysay argagixisada, beesha caalamkuna ay taas aqoonsatay.

Mar sii horreysay ayaa xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Rex Tillerson, waxaa uu sheegay in Washington ay ku qanacsan tahay dadaalka ay Qadar ka geysatay heeshii ku saabsan sidii loo joojin lahaa lacagaha gaara kooxaha jihaad-doonka ah.

Tillerson waxaa uu sheegay in iyadoo taas laga jawaabayo, ay tahay in waddammadani ay jaarka yihiin Qadar ay debciyaan xayiraadaha ay ku hayaan dalkaas.

Sucuudi Carabiya, Masar, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta waxay hore ugu eedeeyeen Qadar inay maalgeliso kooxo mintidiin ah.

Xigasho: bbc

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here