HALKAN KA AKHRISO: Qeybtii Labaad Ee Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya Oo Boqor Buur Madow Kaga Hadlay Xaalado Kala Duwan
“Anagu Beel Ahaan Madaxweynaanu Nahay Oo Kursigaa Madaxweynahaanu Ku Wada Fadhinaa, Markaa Ra’iisul wasaare…”
Hargeysa (Hubaal)-Akhristayaal waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qaybtii labaad ee waraysi gaar ah oo wargeyska Ogaal la yeeshay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow), oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland. Qaybtan labaad ee waraysiga oo Boqor Cismaan wax lagaga waydiiyay qodobo kala duwan, wuxuu u dhacay sidan;
S: Boqor Cismaan waad og tahay hawlgalada uu Cali Khaliif Galaydh ka waddo Bariga, adiguna mar ayaad is-aragteen, waxaana soo baxaya warar sheegaya inuu Cali Khaliif ka debecsan yahay sidii hore, markaa ma isleedahay waa dhab oo waa la dhamayn karaa arrintaa?
J: Walaahi Cali Khaliif waa abtigay, oo ixtiraam badan ayaan u hayaa. haddii uu Cali Khaliif wax qabanayo waxa uu gaadhay Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliyeed, inuu hoos ugu soo dhacayo ardaa hoose marnaba hamiga kumaan hayn, horena waan u sheegay oo isaga waan kala taliyay wax baddan, imikana wax Dhul-bahante ku mideysan yahay hadduu Cali wado ama Hoggaaminayo, runtii waan odhan lahaa Cali uun talada iyo wadahadalku ha ku koobnaado, laakiin imika, arrinkan uu Cali wataa arrin lagu midaysan yahay maaha, waa arrin inta badan Dhulbahante ka soo horjeedo.
“Cali fikirkiisu wuxuu taagnaa marka aanu wax dhisanoo ayaanu wadahadalka furaynaa oo aanu ogolaynaynaa wadahadalka, waxaanna dhib ahayd in wax la dhiso, oo imikaba ma joogo meeshii uu wax kaga dhawaaqay, wax Dhul-bahante ku mideysan yahayna maaha. Markaa ma arko wadahal Cali awood u leeyahay oo uu maanta gali karaa inuu muuqdo iyo awood uu Dhul-bahante ka haysto uu wadahadal ku geli karaa midna, meel uu xukumo oo uu gorgortan ku geli karaana maanta iima muuqato.
S;Maamulka Xasan Sheekh Ee Muqdisho wuxuu wadaa hawlgalo siyaasadeed oo lagu go’doominayo Somaliland, adiguna waxaad ka mid tahay madax-dhaqameedka u dhuun-daloola arrimaha siyaasadda, marka maxaad kala socotaa arrintaas?
J-Arrinka Soomaaliya waddo iyo sida ay u dhaqmaysaa labaduba waa riyo, laakiin waxay ka faa’idaysanayaan habacsanaanta xukuumada,mucaaridka iyo shacabka ee aynu ka jeedno waxaa halka inagaga socda. Si aan laynoogu dhiiran jirin ayuu Xasan Sheekh inoogu dhiiraday, waayo albaabo badan ayaynu u furnay, debecsanaan badan baynu u muujinay, taasina waxay inoo dhashay, inuu Xasan Sheekh meel walba waraaqo u qoro sida Carabta iyo meelo kaleba, oo uu yidhaahdo Somaliland cidi lama xidhiidhi karto. Muu ixtiraamin hiilkii inaga dhexeeyay beesha uu ka soo jeedo, sidaa darteed waxaan leeyahay hawiyoow Xasan Sheekh dariiq khaldan buu idinku wadaaye, haddii aad raali kaga tihiin gardaradana khamaarka si kale ayaynu ciyaari doonaa, haddii kalena ficilkiina aanu ka arki. Ina Cigaal siyaasadda koonfurta (Soomaaliya) wuu mashquulin jiray. Markaa waxaan soo jeedin lahaa in la joojiyo yooyootanka gudaha, oo dawlad iyo mucaarid-ba waxaynu hayno aynu isugu geyno, si aynu u ridno Xasan Sheekh. Anigu meelo badan baan ka sheegaa, oo aan idhaahdaa Faysal Cali Waraabe waa nin waddaniya oo had iyo goor arrimahaa ka hadla. Xukuumadana waxaan leeyahay, waxaa isku mashquuliseen jidad iyo guryo la rinjiyaynayo, marka waxaan odhan lahaa waxaas oo dhan maanta waxaa ka mudan, in loo wada jeesto sidii la isaga moosi lahaa dibindaabyooyinka siyaasadeed ee dibada inagaga socda.
S-Boqor Cismaan waxaa jiray hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha oo muran dhaliyay, kaasoo ah “Wasiirka wasiiradda”, isla markaanna waxaa eraygaa loo qaatay inuu wasiirka Madaxtooyadu yahay ra’iisalwasaare, kaasoon aan waafaqsanayn sharcigga, arrinkaasoo mucaaridkuna ka hadleen maxaad ka odhan lahayd?
J-Anigu arrinkaa dhib uma arko. wax laga qayliyo oo lagu murmana uma arko. Ra’iisul wasaare ayaa laga hadlayaaye
Xirsinna waxaan u arkaa nin karti badan oo wax qabad badan, dantiisiina kaga mashquulay danta qaranka, marka in la xagxagto uma baahna ee in la taageero weeye. Xisbiga KULMIYE berigii uu fadhi baradka ahaa wuu dhac dhac badnaa, oo “Dhenged baanu kaga soo saaraynaa madaxtooyada” iyo wax la mid ah ayay ku odhan jireen Madaxweyne la doortay. Sidaa awadeed, Axmed Muumin Seed waxaan leeyahay, sidii xisbiyadda fadhi baradka ahi hadli jireen, waad u hadashay.