“Anagu Haddaanu Xaga Kulmiye Eegno Indhaha Ayaa Na xanuunaya…”

0
27

Hargeysa, (Hubaal)- Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi, ayaa sheegay inuu dalku is-bedel u baahan yahay,isla markaana waxa uu ku sifeeyey Xisbiga KULMIYE inuu sheegto waxqabadkii UDUB ay qabatay wakhtigii ay talada waddanka ka talinaysay, sidaa shalay Boqor Raabi wuxuu ka sheegay xaflad xisbiga Ucid ku soo dhawaynaayey taageerayaal ku soo biiray. “Waxaan ka xumahay in maanta dhalinyaradeenii rag iyo haween-ba ay baddaha ku idlanayaan oo runtii dariiq xun oo aynaan hore u arki jirin ku dhamanayaan. Waxa looga baahan yahay maamulka Kulmiye ee maanta jira inay jiheeyaan oo mustaqbalkooda ilaaliyaan dhalinyarada meel walba ku silcaysa dadkeena ay dhaqan xumaddu hayso ee looma baahna cabudhis iyo xadhig. Waxa loo baahan yahay wax qabad ay kaw ka yihiin dhalinyaradu. Waxaan aad uga xumahay iyadoo waxaas oo dhib ah ay jiraan in baaqigii hadhayna la yidhaahdo waxna ha la xidho, waxna ha la cabudhiyo. Waxa kale ee aanu Kulmiye ugu baaqaynaa waa laydin arkaa wax qabadkiinii,waxaana sheegataan wixii UDUB, wixii dadku qabsadeen iyo waxay daan qaban,”ayuu yidhi Boqor Raabi.

 raabi

Boqor Raabi wuxuu hadalkiisa sii raaciyey oo uu yidhi,“Had iyo jeer waxaan la yabaa marka uu hadlayo Wasiirka maaliyadu. Wuxuu yidhaahdaa laba iyo afartan milyan ayaan ugu imi bajadka dawladda, laba boqol iyo kotona waan marinayaa. Xagee ayuu galiyey, yuuse siiyaa. Anagu madax-dhaqmeed ayaanu nahay oo saddexda xisbiba dhex ayaanu u nahay oo reerihii ayaa ku wada jira. Haddii barnaamijkooda ka ugu wannaagsan yahay Ucid, waanu raacaynaa, haddii uu Waddani noqdo waanu raacaynaa, laakiin Kulmiye hore waxbuu u sheegay, maantana waxbuu sheegayaa. Anagu haddaanu xaga Kulmiye eegno Indhaha ayaa naxanuunaya.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here