HALKAN KA DAAWO: Wareysi Gaar Ah Madaxweynaha Dawladda Federaalka Somalia Xasan Sheikh Maxamuud
“wadahadlku sidii buu u sii socdaa inaanu is-afgarad ka gaadhnana waanu rajaynaynaa,haddii lawada hadlayo marar badan bay dhacaysaa haddii kan laga heshiiyo beri mid kale oo lagu kala duwan yahay ayaa soo baxaya,laakiin midba maalinbaa laga heshiinayaa haddii Alle yidhaa,laakiin waa la heshiinayaa”
Hargeysa (Hubaal)-Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay sheegay inay Somaliland ku wada hadlayeen Laba dawladood oo Siman isla markaana tilmaamay inay ahaayeen laba maamul oo wada hadlay,waxanu sheegay inay Somaliland u soo dhigeen laba waddo oo la raaco marka wada hadalka la galayo isagoo sheegay inay u soo bandhigeen in lagu wadda hadlo laba dawladood oo is garab socda ama laba maamul oo Somaliya ka wada tirsan . Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud Waxa uu sidan ku sheegay waraysi uu siiyay Telefishanka Somalichennel isagoo ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka puntland.
Md Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Wada hadalkii Somaliland si hoose u socdo isla markaan la heshiin doono wallow aanu sheegin waxa lagu heshiinayo“haddii la wada hadlaayo waxa wada hadalaya dad kala rayi duwan ,taasina mushaakil maaha,waxa jiraa waxa ay yihiin Somaliland waa run ,dadka wefti Somaliya ka tirsana ee wada hadalkaa ka qayb galayay ayay dhib ka tirsanayeen ,laakin waanu ka riyi duwanayayn”Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wada hadalka Somaliland lala galayo ay u furantahay laba waddo “laba waddo,marka wada hadal la galayo waa inay jirtaa mabaadii uu wada hadalkaasi ku salaysan yahay ,laba maamul oo wada hadlaya ayaanu ahayn, waxaanu u wada hadlayana dawladii dhexe oo doonaysa dawladii Somaliland oo sheegatay inay midnimadii ka baxday sidii la iskugu soo celin lahaa,markaa maamulo ayaanu u wada hadlaynay,dadkani waxa ay ka tirsanyihiin dawlada federalka ah.”Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in laba dawladood ahaan loo wada hadlo“Markaa walaleheena Somaliland aragtidooda waanu xushmaynaya,waxaanu u sheegnay in laba waddo uun la qaado in laba dawladood ama laba maamul oo Somaliya ka socda oo wada hadlaya inaan noqono oo sidaa mushiladii lagu xaliyo,annagu maamul ayaanu ahaanaynaa oo dawlada Somaliland ayaa la yidhaahdaa ,isha allah is afgarad ayaanu ka gaadhaynaa dhawaan “Madaxwaynaha Somaliya.
Wada hadalka Somaliland iyo Somaliya ayaa dhawaan burburay kadib markii xukuumada Somaliya u soo xil saartay inay uga qayb galaan dad deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland taasi oo ay Somaliland ka biyo-diiday inay wada hadal la gasho dad deegaan wadaag ah oo Somaliland ka soo wada jeeda.
Halkan Ka Daawo Wareysiga Xasan Sheekh oo dhamaystiran: