Madashu siday u shaqlan tahay, kaalay arag! Dadku laba laba ayay isu warsanayan, codkana hoos ayaa loo wada dhigayaa, inay wada hadlayaan waxaad ku garanaysaa dibnaha ayaa dhaqdhaqaaqaya, farahana way fiiq fiiqayaan. Hugun wax ka sarreeya oo aad maqli kartaa ma jiro. Dadka intaa aan is garanayni keli keli ayay isula faqayaan, waxay ka fekerayaan safarkii ay soo galeen iyo intay jid soo mareen. Qaarkood waa markii ugu horeysay ee ay halkan yimaaddaan, waxay la ashqaraarsan yihiin dhal dhalaalka, bilicda, quruxda, carafta, iyo wanaagga meesha ka muuqda. In door ah ayaanu fadhinay golahan, waanu caajisnay, dhammaan tayona waanu raagsannay ninkan naloo sheegay inuu noo imanayo. Waxaad mooddaa inaanu cabsanayno, markaad aragto sidaanu u xanshaashaqayno, iyo sida aannaan wiilkan yar ee magacyada naga qoraya ugu odhan Karin “Adeer waanu daal nee ninkii mee?” Waxaad moodda inuu na dilayo haddaanu waydiino.
Hal mar ayuu soo galay golihii, waxa daba ordaya laba kale, albaabka inta uu istaagay ayuu si jees jees leh war u farayaa, faraha ayuu taag taagaya. Labadii nin waxay isu rogeen gadaal, Isagoo kankoosanina waa kan na soo galay. Shirkii hal mar ayuu aamusay, waa la juuq iyo jaaq ba gabay. Sidii askar la fayliyay ayaanu “digtoonow” galnay, isagaanu indhaha, dhegaha iyo qalbigaba isugu darnay. Isna namuu salaamine, wuxuu fadhiistay kursi hortayada ka soo jeeday, buug yare uu sitayna la kala baxay, oo wax ku xarxariiqay. Waxoogay ayaanu sidaa ku sii jirnay, Inamadii ka noqday ayaa midi na soo daf yidhi, Isagoon na salaaminna kamerad uu sitay nala dhacay, gees walba waa nagala maray, oo labo labo, saddex saddex, afar afarba noo sawiray. Midkaayana nagaddaa ma odhan, mana odhan karayn.
Wax yar ka dib, waxa soo galay kii labaad, isna intuu ninkii dhegta wax u saaray ayuu iska baxay. Ninkii saacaddii ayuu hoos u eegay, isagoo weli eegayana cod dhexe nagu yodhi “Salaamu calaykum” “Calaykum wa salaam” ayaa hal mar la wada yidhi, waxa naga soo baxay naqas maanta dhan nagu dhegenaa. Isagoo tayga kor u jiidanaya, wixii uu qor qorayayna hoos u dhuganaya ayuu hadalkii ku bilaabay “Waad ku mahadsantihiin sida commitment-ka leh ee aad uga soo qayb gasheen meeting-kan qiimaha leh, sida aad la socotaan waxaanu community-yadiinan la shaqaynaynay muddo. Waxaanu ka wadnay project wayn oo ku saabsanaa poverty reduction and income generation oo ku kacaya lacag dhan one point five million dollars, Objective-kayaguna waa inaanu support- garayno dadka beneficiaries- ka noo ah, idinkuna haddii aad tihiin community-yada waxa very important ah inaad nala shaqaysaan, sidaas ayaa lagu gaadhi karaa goals-ka project-gan, isla markaana uu project-gani ku noqon karaa mid successful ah…..” Maalintii oo dhan waxaas ayuu shubayay, isaguun baa hadlayay, isagaana na haystay annana madaxaanu ruxaynay, sacabkana waanu tumaynay.
Dadka meesha isugu yimi dhamaantood waxa laga keenay tuulooyin kala duwan, waa bulsho xoolo dhaqato reer guuraa ah iyo beeralay u badan. Warka ninku sheegayay inaanay fahmin way caddahay, madaxa se waa ruxayeen sacabkana aad ayay u tumayeen, wejiyadoodana waxa ka muuqatay yididiilo sarraysa.
Intii uu ninku hadlayay anigu waan hugmayay. Haa, hoos ayaan isula hadlayay, su’aalo badanna is weydiinayay; “Ninku muxuu idinkula hadlay?” “Dee Af-Gaalaad” “Oo miyaanu soomaali ahayn?” “Mayee iga walla waa Soomaali aan biyo is marin” “Haddaa ma gaaluu la hadlayaa” “Mayee waa soomaali” “Oo haddaa ma afkii magaaladaa sidan noqday?” “Haayoo reer magaalkaa isku badhxa Af-soomaali iyo Af-galaadka, calashaan is xariifin!” “Oo miyay miduun isugu luga du’daan” “Ogor! xaalkoodu waa dacawadii tallaabadeedii ka tagtay tii nabigana gaadhi wayday”
Anigoo sheekadaa dheer ku jira, ayaa halkeer magacayga lagaga dhawaaqay, waan sinqaday, saa mar kale lagu celiyay “Way kan” Ayaan kor u idhi. “Soo kac” ayaa laygu yidhi, judhiiba waan booday, go’ iyo bukoorad aan sitay oo kursiga ii saarnaa ayaan sii dafay, xagii layga yeedhay ayaan isku aaddiyay. Inan ka mid ah labadii inan ee ninka la socday ayaa igu yidhi “Warqaddan saxeex” “maxaa ku qoran?” ayaan si digtoon ugu celiyay “Wixii aad ballan qaaddeen” ayuu iigu jawaabay, “Oo maxaanu ballan qaadnay?” ayaan ku idhi, isagoon ii jawaabin ayaa mid kale oo hortay la xaadiriyay I yidhi “Waar saxeex waa wada shaqayntiiye” “oo dee wada shaqayntee?!” ayaan ku idhi “Anaa dibadda kugu fahansiine saxeex ayuu ii celiyay” Suulkaa khad lay geliyay, dabadeed dhawr waraaqood oo kala duwan dhawr meelood laga saaray, lacag konton kun oo shilin ahna farta layga saaray, anna dibada isaga baxay.
Anoo yaabban ayaan dibadda u soo booday, ninkii warka ii sheegi lahaa oo tegay ayaan soo baxay. Mid kaloo iga danbeeyay ayaan ku soo noqday “Waar inaadeer, maxaa laynaga saxeexay, maxaa se’ wax laynagu siiyay?!” ayaan waydiiyay, “Waxani waa dhac reer magaal, nimankanna waxa la yidhaa gaajo cariyayaal” ayuu iigu jawaabay “Oo waa sidee bal warka ii bal balaadhi” ayaan ku idhi, dabadeed xagii gaadhiga u sii dhaqaaqnay. Intaannaan gaadhigii gaadhiin ayuu sheeko cajiib ah iiga sheekeeyay “Nimankani waxay isku sheegaan haayado, se’ waa gaajo cariyayaal, waxa dadka loogu soo dhiibo ayay cunaan, dadkana fara guudkood ayay siiyaan, weliba intaas ayay maskaxda kaga guumaystaan, sawirkii laynaga qaadayay sababtiisa miyaad garanaysaa?” ayuu I waydiiyay, anna “Maya” ayaan u celiyay. “Waa laynagu soo dawarsanayaa ayuu iigu jawaabay” yaab ayaa iga soo hadhay, cadho aanan ogayn meel ay ka timid ayaa I gashay, waa lay wada dhex rooray, wuxuunbaa I hor timid, anigoo ina hebel ah, oo reer hebel ah, oo laan dheere ah, oo inan yari leeyahay “Miskiinkan wax soo siiya, annagana noogu sii dhiiba, annagaa naqaan halkuu joogee”
Cadhadii ayaan gaadhigii tuuladayada u bixi jiray soo abbaaray, anoon qadayna sidii ku soo raacay. Maalintaa cadhadaan reer magaal u qaaday waxaan dhaar ku maray inaan annaga iyo reer magaal wax danbe na dhex marin, xataa Afka inay noo daayaan ayaan hadal ku gooyay.
Mustafe Axmed Xasan
Facebook:Mustafa Ahmed
Email:mustafeh2@gmail.com
Qalinleyda II © Weedhsan Corporation