Xil. Cabdiqaadir Indho-indho Oo Ka Digay Dib-u-dhac Ku Yimaadda Kal-fadhiga 5aad Ee Golaha Dhexe Ee KULMIYE
Waxa Uu Farta Ku Fiiqay Boog Aan Dawo Lahayn Oo Bar Madow Ku Noqon Doonta Guud Ahaan Qaranka Somaliland, Gaar Ahaanna Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xisbiga KULMIYE
Hargeysa (Hubaal) – Musharraxa Jagada Madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye Md Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), ayaa si adag uga digay in la isku dayo dib-u-dhigista shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Toddobaadka Soo Socda ka qorshaysan inuu ka furmo magaalada Hargeysa. Musharrax Indho-indho oo Habeenkii Xalay Khadka Telefoonka ugu warramay Wargeyska Hubaal, ayaa sheegay in Dib u dhigist kasta oo shirkaas lagu sameeyaa meel ka-dhac ku tahay, Xisbiga, Madaxweynaha iyo qarankaba, isla-markaana si weyn loogu baahan yahay in shirku sidii markii horeba Qabsoomiddiisa loo qoondeeyey loogu adkaysto, “Shiweynuhu waa inuu wakhtigiisii ku dhacaa, Muddada shirka loo qabtay oo ah 10-Ka Bisha November waa inaan saacad dib looga dhigin, Haddii shirkaas dib u dhac ku yimaaddana Xisbiga Kulmiye, Madaxweynaha iyo qarankaba dhaawac baa gaadhi doona.” Ayuu yidhi Musharrax Indho Indho. Musharraxa oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay in muddo dheer lasoo waday qaban-qaabada shirweynaha, isla-markaana musharrixiintu hore u haysteen wakhti ku filan oo ay arrimahooda kaga baaraan degaan, waxana uu yidhi,“Shirweynuhu in badan buu soo rafaneyey, Xisbigu soo hadlayey, musharrixiintuna Olalahooda soo wadday, Maantana waxa la gaadhay xilligii lagu adkaysan lahaa inuu wakhtigiisa ku dhaco oo aan ballantaas hore laga laabanin.” Cabdiqaadir Indho-indho oo hore u shaaciyey inuu Ku-xigeen u yahay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa haatanna sheegay inay isku aragti ka yihiin Gudoomiyaha sidii shirku wakhtigii loo cayimay ugu qabsoomi lahaa,“Waa in dadka aan ku xigi waayey aan shirweynaha dib loogu dhigin. Aniga iyo ninka aan ku xigo ee Aqlabiyadda shirka wadannaa ma aqbali doono in shirweynaha Toban Miridh dib loo dhigo.” Ayuu yidhi Musharrax Indho-indho.
Ma aha Cabdiqaadir Indho-indho oo kali ah dadka sida weyn uga soo horjeeda in shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye dib loo dhigaa, balse waxa si weyn isu soo taraya Baaqyada Arrintaas lagaga soo horjeedo ee Madaxweynaha loo jeedinayo, maadaama shirweynahani yahay mid umaddu in badan qabsoomiddiisa sugaysay.