Wasiirka Cusub Ee Xidhiidhka Golayaasha Oo Farta Ku Fiiqay Ujeeddada Ay Daaran Tahay Xilka Waqtigan Loo Magacaabay
“Waxaynu Ku Jirnaa Waqti Kaambayn Badan Loo Baahan Yahay oo Xilkan La Ii Magacaabay Waxaan In La Iiga Maarmi Waayay Ayaan U Arkaa Inaan Xisbiga KULMIYE Xoojiyo………”
“Xisbiga KULMIYE In Uu Xagga Dimuqraadiyadda Nooga Dhawaa Ayaan Sheegayaa Oo Raggii Ay Aadka Iskugu Adkaayeen In Maanta…..”
Hargaysa(Hubaal) Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Axmed Xaaji Daahir Cilmi ayaa shalay ka hadlay xilka cusub ee madaxwaynaha Somaliland u magacaabay dorraad, kaas oo Lagu bedalay wasiirkii hore ee xidhiidhka golayaasha Cali Xaamud Jibriil. Wasiirka Cusub Oo Shirjaraa’id ku qabtay magaalada hargaysa ayaa sheegay inuu dhabarka ku sidan doono murrashaxa madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen ee xisbiga KULMIYE, waxaana uu tilmaamay sababta kaliya ee loogu magacaabay Xilkan in ay tahay inuu u ololeeyo Xisbiga KULMIYE Wakhtiga Doorashadda Oo Muddo Koobani ka hadhsan yihiin. “Xilli Maanta Dareen Lays Waydiiyo Majoognee Hadday timaado Baahida ah in Wax loo qabto qaranka Waan Ku Khasbanahay”. Sidaas ayuu yidhi Wasirka cusubi, waxaanu intaa kudaray “Mida labaadna waxa aynu ku jirnaa wakhti doorasho lagalayo oo kaambayn badana loo baahan yahay, waxaanan leeyahay xilka Lay magacaabay waxa ay ujeedkiisu tahay inaan xoojiyo xisbiga KULMIYE oo in layga maarmi waayay ayaan u arkaa wakhtigan”. Ayuu ku dooday Md. Daahir, Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata wasiirka cusubi “way ii fiican tahay adigu saddex bilood ayaad ka hadlaysaaye inaan daqiiqadaha ugu danbaysay ku soo biiro Xukuumadda,waxaanan leeyahay hawsha aniga halkan lay keenay waxa weeyaan kaambaynka ama ololaha xisbiga kulmiye,aniga iyo siilaanyahana haday waxa nasoo kala gadheen raganimadda ayay ku jirtaa in ay ragu wax isku qabtaan waxana kala goosan karaan oo waan ugu mahad naqaynaa oo kolay laba xisbi ayaanu markii hore kala hayn. Wasiirka ayaa geesta kale sheegay in xilka cusub ee madaxwaynaha Somaliland u dhiibay yahay mid horseedaya dimuq-raadiyadda madaama oo xil madaxwayne siilaanyo u magacaabay masuul ay wakhti badan iska soo horjedeen xaga siyaasadda.
“Dimuq-raadiyada inuu nooga dhawaa xisbiga KULMIYE ayaan sheegaynaa oo ragii ay aadka iskugu adkayeen in layidhaah kaalay maantana, madaama oo aan waayahan danbeba ka tirsanaa xisbiga KULMIYE oo Cabdiraxmaan Saylaci Iyo Muuse Biixi aan dhabarka ku sitay, xisbigana waan ka tirsanaan lahaa haddii aan maanta xilkan la ii dhiibeen xataa”.