“Aniga Kolba qolada Waalataa igu waalatoo markaan idhaahdo somaliland daaya sidan ma ahee waar aniga guri la iima dhisin, Hadii Guri la ii dhisayna miyaan ka liitaa..”

0
71

Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Ka hadlay arrimo badan oo la xidhiidha arrimaha Dalka, isagoo si gaar ah carrabka ugu dhuftay arrimo cusub oo kaga yimaadda dhinaca Dhiggiisa Waddani.

faysal caliGuddoomiye Faysal Cali waraabe, waxa uu sheegay in hadal hayntiisu ku badatay dhinaca Xisbiga waddani, waxana uu soo hadal qaaday hadallo dhawaanahan kaga imanayey Xisbbiga mucaaridka ah ee waddani, isagoo tilmaamay in laga daayo Dacaayadaha la xidhiidha shakhsiyaddiisa,

“Xisbigan cusubi Kaambaynkoodii waxa uu ka dhigtay Dacaayadda Faysal Cali waraabe, Aniga Kolba qolada Waalataa igu waalatoo markaan idhaahdo somaliland daaya sidan ma ahee waar aniga guri la iima dhisin, Hadii Guri la ii dhisayna miyaan ka liitaa kuwa loo dhisay oo Cabdiraxmaan Cirro waa loo dhisay, Baashe Waa Loo Dhisay muusena waa loo dhisay waabana aan ka helayaa oo kuwan ka heli maayo oo ku rid mooyaane kasoo saar ma yaqaaniin. Hadii ay Cay Noqotana aniga 12-sano baa la I caayayey oo qolof baan yeeshay.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

 faysal cali

Guddoomiye Faysal Cali waraabe waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay in si degdeg ah loo gudo galo sidii doorashadu waddanka uga hirgeli lahayd xilligeedii, waxana uu ugu baaqay madaxweynaha inuu arrintaas sideeda uga soo baxo.

Guddoomiye Faysal waxa uu sidoo kale ka Hadlay Dhacdooyinka Maamulllada Doonaya inay Gudaha Somaliland ka samaysmaan oo ay ka mid yihiin Kooxda KHaatumo, waxana uu yidhi,

“Somaliland laguma cabsiin karo Khaatumaan Dhisay iyo Buur Baan Galay, dadkuna waa dad nabadda jecel oo wanaagga jecel, inaggoo waddooyin badan ku wada xaajoon karnana in shugux-shugux la inoo tuuro ma aha, Haddii maanta hoggaanku jilicsan yahayna sharcigu ma jilicsana.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here