Aniga, sheekhii iyo Harawo!!!!!!!!!!!

0
229

ILA GIRIGIRI CAASHAQA! Aniga, sheekhii iyo Harawo!

Wuu gadh waynaa muuqa wuxuu lahaa aragti wadaad. Isaguna uu isku ogaa in uu yahay culimada saban-aakhir. Qacdii aan arkayba waan dareemay in uu yahay qolyahan wadaada sheegta ee surwaalada gaabsada. Dan baa na kulmisay iyo arin uu u yimid Bangkok, Thailand xalay. Maalin hore waanu is aragnay laakiinse qarqoor ay qarqooraysay dhaqankiisa wadaadnimo ee ribta ah awgii maanu wadaagin hadal ka badna bariido. hayeeshee xalay ayaanu hawl ku kulanay. iba-furkii hadalka wuxuu ku bilaabay markaanu kulanay xalay su’aal ahayd sidaad u xiiran tahay! Ogow, ninkaa aqoon hore isuma aanu lahayn laakiin hadalkaa wuxuu ku furayaa sheekada. waan yaabay mase dhibsan. Waxaanan naftayda kula faqay waa sheekhyadii dambee iska dhaaf. Waxaanu hawshii ku wada jirno si qalloonaysa labadayaduba ; waxaan isku dayay in aan furfuro aakhirkii waanu sheekaysanay.sheedaayadii markii ay cirka isku shareertay xiiso ahaan ayaanu si yar oo si-deleg ah uGu soo dhacnay fanka iyo Heesaha!

Photo File: Alla ha u naxariistee Abwaankii la Hollin waayay Ee Maxamed Cumar Xuseen (Huryo)
Photo File: Alla ha u naxariistee Abwaankii la Hollin waayay Ee Maxamed Cumar Xuseen (Huryo)

Wuu xayraami baan lahaa oo ka sadcalayn laakiinse isagaa cid kale oo kasta ka badiya! Xiise gaar ah ayuu u qabaa. Taariikhda iyo fanku sida ay isku turjumaan ee ay umada sumadeeda iyo isirkeeda u macneeyaan ee aan kolna looga maarmayn in lagu kabao sheeko wanaagsan Ayaan ku soo shukaamiyay anigoo ku xidhaya sheekadayadii gaarka ahayd. Waan xadanteeyay; isna wuu yar qiirooday. Ilaahay baa leh, waa nin risiqu kaga xidhmay cayda fanka laakiinse duunka iyo qalbiga ka jecel fanka! sheekhii gadhka waynaa hadalba wuxuu ku daystay Ila giringiri Caashaqa. Waa heeskii ay ku luuqaysay Qamar C/laahi Harawo ee uu midhaheeda lahaa Maxamed Cumar Huryo. Habka luuqda waxaa lahaa hadaanan qaldanayn Siciid xarawo. Wuu ku luuqaynayaa heeskan isagu, anigu heesaha kumaba luuqayn yaqaanee, isagu isagoo suldhabaale tumanaya ayuu iska yeelyeelayaa luuqdii cajiibka ahayd ee Qamar! Waa la dheelminayaa oo xidigaha guudka u baxayaa ruux ahaan. Ma Saxarla iyo Maxamed Moogaa,ma goljaniyo hargaysiyo guryo samo ku nool baa, ma ha I gabin ha i goayn baa; luuq waxaan ahayn sheekhii soo rogan waa’. Heesba in yar buu naga maqashiiyaa. Wuu jibooday; kuwaan saarayda u yaaqanay isagaaba ka daran. Badwayn fan iyo heeso ah iyo sheekooyinkii ka dheegmay ayuu na dhex muquuriyay. Nabar markuu fanka ka sheekeeyaba wuxuu ku soo afjarayaa Ila giringiri caashaqa! Hooriska (chorus) heeska ee Ila girirngir Caashaqa ma dhaafiniyo; wuu ku waridiyayaa si kale kuma garatide.

Waxaa ii cadaatay in uu jiro xoog bani’aadam oo cabiidsaday intii kale bulshada. Xooogaasaa ka horjooga oo u diidan wadaadankan dhaxalka fankiisa soomaaliga ah. Sheekhaasi in uu cabudhsanaa oo uu igu fatahay oo igu nafisay ayaa ii muuqatay. Nin ganacsade ah ayuu ahaa, xaqiiqduna waxay tahay in hadii fankaa lagu maqlo oo ay cid gaar ah oo Hargaysa joogta oo wax kaga xidhan yihiin ay ku maqasho in dhaqaale ahaan la naafaynayo; dhaawac ayaa soo gaadhaya mutaqabalka noloshiisa! Ma necba fanka wanaagsan laakiin cid buu u habranayaa leh qawaaniin iyaga u gaar ah oo ay ku adoonsadeen nafta sheekhan. Waxaa ii dhaboowday xantii ahayd wadaado xumayaasha maantu ujeedo gaar ah iyo hunguri ayay badi ugu dhuuntaan shacaa’irta Diinta iyo iimaanka diinta! intay iimaan ahaan uGu qanceen diinta waxaa ka badan inta ayna daalacan ee ay cid gaar ah ku qanciyaan.

Aniga, sheekhii wahaabiga ahaa iyo saxiibo kale waxaanu uGu dambayn cashadii makhaayada u kacnay anagoo wada jir ahaan u qaadayna Ila giringiri Caashaqa iyo Qamar.

Xigasho by Ilyaas Carte

 

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here