“Aniga Wuu Iga Nasiib Wacan Yahay Wasiirka Cusubi [ee madaxtooyadu] Maxaa Yeelay….”

0
19

Xirsi Oo xilkii  Ku Wareejiyay Wasiirka cusub ee madaxtooyada

Hargeysa(Hubaal)-Wasiirka cusub ee wasaaradda Madaxtooaydda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa  si rasmi ah xilkii ugala wareegay  shalay Wasiirkii hore ee wasaaradaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Xafladan waxa ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaanno, Masuuliyiinta  iyo shaqaalaha madaxtooyadda Somaliland.

Agaasimaha Maamulka Madaxtooyada Maxamuud Cabdilahi Xarbi oo ka hadlay xafladaas ayaa  warbixiyey baaxada iyo culayska ay leedahay wasaarada madaxtooyadu iyo masuuliyiinta kala duwan ee maanta la kala wareegaya Xilalka.

67e92ba8994a6cdca85cdd461949145d_LWaxa kale oo halkaa ka hadlay Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Wasiirka cusub isla markaana sii sagootinayaan Wasiirkii hore oo uu ku ammaanay wax-qabad iyo karti. Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo xafladaas ka hadlay  ayaa  sheegay in markii xilka loo magacaabay aanay jirin wasaarad uu la wareegay. “Anigu waxaan   odhan karaa wuu igaga nasiib wacan yahay Wasiirka cusubi,  maxaa yeelay markii aan xilkan la wareegayey may jirin wax dhisan oo wasaaradda madaxtooyada la yidhaahdaa oo aan la wareegay balse maanta waxaan wareejinayaa Wasaarad dhisan oo ay u dhan yihiin hawlaheedii iyo waaxaheedii  wasaaradnimo,”ayuu yidhi Wasiirkii hore Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan. Wasiirkii hore waxa uu  amaan u soo jeediyey madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo muddo lix sanno ku dhow  oo ay soo wada shaqaynayeen, waxaanu madaxweynaha ku sifeeyay Hoggaamiye lala shaqeeyo ka ugu wanaagsan. Wasiirka cusub ee madaxtooyada  Maxamuud Xaashi Cabdi oo xafladaas soo gabo-gabeeyay ayaa  u mahad naqay Wasiirkii hore  ee madaxtooyadda oo uu sheegay inuu ahaa masuul ay saaxiib ahaayeen oo wax weyn qabtay mudadii uu la shaqaynayay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Waxa kale oo iyaguna isla xafladaas xilalkii kula kala wareegay  Wasiiru-dawlihii hore ee Arrimaha nabadaynta gobolada bari imikana ah Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo isna xilkii wasiirul dawlaha ku wareejiyay Wasiirul dawlaha cusub Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab). Waxa kale oo iyaguna xilkii isla la kala wareegay Afhayeenka cusub ee madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr) iyo Afhayeenkii hore Axmed Saleebaan Dhuxul.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here