“Anigaa La Soo Shaqeeyay Oo Madaxweynuhu Wuu Dhiban Yahay, Aroortaad Aragtaba Wuxuu Maxkamadda U Saaran Yahay Reer”

0
32

Hargeysa (Hubaal) Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda qorshaynta Somaliland oo dhawaan iska casilay xilkaasi Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu wehel u noqday dhibaatooyin aanu xusin, waxaanu tilmaamay in arrinintaasi uu damreemay wakhtigii uu ka mid ahaa golaha Wasiirrada. cabdikariin axmed moogeCabdikariim Axmed Mooge waxa uu sidan ku sheegay munaasibad habeen hore lagu qabtay magaalada Hargeysa oo lagaga hadlayay sidii loo cidhibtiri lahaa dhibaatada ay qabaayladu ku leedahay bulshada. Madaxwaynuhu wuu dhiban yahay, anigaa la soo shaqeeyay aroortaad arragtaba wuxuu Maxkamadd u saaranyahay reer, kii badsaday iyo kii yaraystayba xaq baa ka maqan. Buriihii reer baa sheeganaya, ceelashii reer baa sheeganaya, beerihii reer baa sheegaya”Cabdikariin Axmed Mooge. isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Qabiil ka yar iyo Qabiilka wayn inay is aqbalaan oo caddaalad u sinaadaanbaan u istaagnay”Cabdikariim Axmed Mooge.

Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu intaas ku daray ”Ololahani waxa uu boorrinayaa in aan Xilka umadda lagu hanan Qabyaalad, balse lagu helo aqoon, karti, daacadnimo iyo in qofku ku sifoobo Inuu ka madhan yahay musuqmaasuq.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here