“Annagu (Dhulbahante) Markaanu Somaliland Nimi Isaaqa Halkan Joogaa Wuu Qaawanaayoo Annagaa Dhar Iyo Gaadiid Wadanay”-Xil. Saleebaan Cali Koore
Hargeysa (Hubaal) – Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo kamid ah Mudanayaasha Aqalka Wakiillada Somaliland, ayaa si weyn u taageeray Musharraxnimada Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxana uu sheegay Baahida ka taagan Gobollada Bariga Dalku baahi weyn u qabto inuu Hoggaanka dalka qabto Guddoomiye Muuse Biixi. Xildhibaan Saleebaan oo ka Hadlay Madal Xubnaha Beesha Gobolka Hawd iyo Degmada Axmed dhagax ugu jira Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ku muujiyeen Taageeradooda Guddoomiyaha Kulmiye, ayaa ku dhawaaqay inuu Xisbiga Kulmiye ku biiray, waxana uu sharraxay Sababta uu Muuse Biixi u taageeray, “Anigu maaanta laga bilaabo waxa ku biiray Xisbiga Kulmiye, Qoladayada Barigu haddii aad maqasheen Qaxdii Hore ayaanu taageernay, waxanu ku dooranay waxanu aaminsanahay in Dalku u baahan yahay Madaxweyne Go’aan leh oo Bari talo u keena.” Ayuu yidhi Saleebaan Cali Koore. Saleebaan waxa uu ka Hadlay Dad uu sheegay inay baqe ka qabaan Hoggaaminta dadka Askarinimada soo maray, waxana uu tilmaamay in deegaanada uu kasoo jeeda Taageeraan dadka siyaasiyiinta Askarinimada soo martay, waxana uu yidhi, “Qaar baa askarinimada ka xanaaqa, aniguse waanu ku faannaa, Dhulhabante iyo Warsangeli haddii la yidhaahdo Ninku waa Garbocas yahay hore ayey ka raacayaa.” Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali-koore waxa uu sheegay inaanu cabsi ka qabin Ruug caddaayada SNM, Waxa uu madasha si geesinimo leh uga sheegay inuu soo galay dagaal ka dhan ah SNM, Balse uu hadda diyaar u yahay inuu la shaqeeyo, “Rag badan oo qurbejoog oo annaga ahi marka ay maqlaan Qolada SNM way yara beer dhaqaajiyaan. Anigaa askari ahaa oo sarkaal ahaa, isla-markaana SNM La dagaallmay, waliba Anigoo Sarkaal Ciidankii Xoogga dalka soomaaliyeed ah baan Raggaas I hor fadhiya ee Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin La Dagaallamay, anigaana la shaqaynaya, Haddana haddii waxa ay ku ballan qaadeen aynu ka weyno anigaa la dagaallamaya.” Ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore. Xildhibaanku waxa uu sheegay in Beel ahaan aanay Somaliland usoo marti tegin, isla-markaana ay wax badan geliyeen, waxana uu yidhi, “annagu(Dhulbahante) markaanu Somaliland Nimi Isaaqa Halkan Joogaa wuu qaawanaayoo annagaa dhar iyo gaadiid wadanay, umana aanu iman Inaanu Somaliland wax ka helnee inaanu wax gelinaanu unimi. Distoorka maanta lagu fadhiyana Bari oo dhan anigaa Guddoomiye ka ahaa.”