Farriin Ka tidhi maxbuus 16 sanno ku xidhan madheera oo Lacag laga dhacay
“Anigoo ah Faysal Aadan Fool kuna magacdheer (Alla-suge), isla markaan muddo 16 sanno ah ku xidhan xabsiga madheera, kadib xukun maxakamadeed oo igu dhacay.
Waxaan doonayaa inaan bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigo dhacdo khiyaamo ah oo aniga igu dhacday intaan xabsiga ku jiray, taasi oo ka fursan weyday inaan banaanka soo dhigo.
Khiyaamadaasi waxay u dhacday sidan:
” si aanan u dareemin culays maskaxeed oo xadhigayga ku saabsan ayaa intii aan xidhnaa waxaan 2015kii ganacsi kooban oo jeeble ah ka dhex bilaabay jeelka, Waxaana ganacsigaas iga caawiyey oo ii furay alla ha barakeeyee #Suldaan Sabayse oo kamid ahaa salaadiin dhowr ah oo xilligaas xabsiga lagu soo xidhay.
Jeeblaha yar oo aan maxaabiista u keeni jiray waxyaabaha kooban ee bagaashka ah ee ay u baahi qabaan, waxaan ka biilin jiray oo aan masaariifra uga soo saari jiray Xaaskayga, caruurtayda iyo hooyaday oo Hargeysa joogay oo marka horeba masaariifta iga sugi jiray,
Runtii ganacsigaas illaahay wuu ii barakeeyey oo Anna waan ka fara qabsaday, xabsigana waxtar bay u noqotay oo xataa waxaan ku soo kordhiyey oo aan ku guulaystay inaan mawlac ama masaajid yar oo maxaabiistu ku cibaadaystaan ka dhiso jeelka dhexdiisa, kutub quraan ahna aan dhigo.
Haddaba intii aan xidhnaa ayaa Mid kamid ah maxaabiista aan nolosha jeelka ku rafiiqnay oo magaciisa noogu sheegay in la yidhaa Maxamed Cabdiraxmaan Ilkacase ayaa muddo laba bilood oo keli ah oo uu nala xidhnaa,
Wuxuu yidhi waxaan ahay qurbejoog reer Norway ah waxaana la i soo xidhay aniga oo madaarka ka dhoofaya oo tigidhku ii go,naa sidaa darteed na xaaskaygii iyo caruurtaydii waxay degen yihiin Burco oo arrinkayga waa la dhamaynayaa.
Haddaba waxaa uu maalin maalmaha ka mid ah igu yidhi “Saaxiib gabadhaydii baa foolanaysa oo ilmo lagu qalayaa lacagna ma hayo ee waxaad I amaahisaa $500, immika marka la I sii daayo ee ayaan kuu soo dirayaa.
Haddana maalin kale ayuu yidhi aniga kiiska la igu xidhay wuu fudud yahay oo waxaan rejaynayaa in cafiska madaxweynaha la raaciyo ee sxb $1500 aan xeerilaalinta iskaga laaluusho I amaahi si ay liiska maxaaabiista la cafinayo iigu daraan, markaas 5tii boqol ee hore iyo kun iyo 5tan dembe waxay isku noqonaysaa 2000, markaan imika baxo ee aan Norway ku noqdo ayaan kuu soo dirayaa, lambarkaygii Norwayna waa kaas ee qoro oo ila soo hadal, lacagtiina sidaas baan ku siiyey.
Hadal iyo dhammaan ninkui wuu baxay oo waa la sii daayay, Dib dembe uma arag, waxna kama hayo, markaan war iyo wacaal ka waayay ayaan garaacay telefoonkii uu I siiyey waxaa iga qabtay nin kale markaan isu sheegay wuxuu igu yidhi, lambarka anigaa iska leh, magaca aad sheegaysana aniga ayaa la i yidhaa laakiin qofka aad I moodayso ma ihi. Aniga Maxamed cali Shookale ayaa la yidhaa, waxana la igu naanaysaa RUSHEEYE, nin reer Burco ah oo caan ah ayaan ahay, waxaanu isku reer nahay Siyaasi Maxamuud Xaashi Norway ayaanan degennahay, lkn aniga madheerana la iguma xidhin, Somalilandna ma iman ee qofka aad sheegayso ee magacayga kuu sheegtay aniguna waan kula baadi doonaya ileen wuu I wanjalay adigana wuu ku dhacaye.
Hadal iyo haatan jeeblihii yaraaa ee aan marka horeba nafta ku maaweelinayay, xaafadaydana masruufka uga soo saari jiray wuu xidhmay oo waxba gacanta kuma hayo, illaahay kasokowna il dhaqaalle oo kale ma laha aan dukaanka yar ahayn.
Haddaba walaaleyaal waxaan doonayaa ninkaa daalinka ah ee I khiyaameeyey sawirkiisu waa kan, ee fadliga bisha ramadaan ee bilatay darteed waxaan idinka codsanayaa inaad wax igala qabataa sidii aan xaqaygii uga heli lahaa tuuggaa I dhacay,
cidii garanaysaa arrimahayga wax ha ka qabtaan oo ay wax ila qabtaan.
Wali waan xidhannahay, wixii faahfaahin ahna barra facebookayga ha igala soo xidhiidhaan ama maamulka xabsiga aan ku jiro ha hala soo xidhiidhaan.
Numberka telefoonka la igala soo xidhiidhi karo wixii caawimo ah ee dar illaahay ahna waa kan Hoos Ku qoran oo waxa haysta Sarkaalka Xabsiga oo la yidhaa maxamed ciise 0634113283 c/lahi isago somtela waa isku mid
Allaa.mahad leh
Faysal Aadan Fool
Xabsiga madheera
https://www.facebook.com/profile.php?id=100075597660348