“Anigoo Ku Hadlaya Magaca Dhalinyarada Garxajis Waxaan Bogaadinayaa Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi”
Nuxurka Qoraal Hambalyo, Bogaadin, iyo Duco isugu jira oo uu soo saaray Afhayeenka dhalinyarada beellaha Garxajis, Eng.Abshir Axmed Maxamuud
“Aniga oo ah afhayeenka dhalinyarada ee beellaha Garxajis waxaan halkan hambalyo uga dirayaa guud ahaan shacbiga reer Somaliland ee codkooda ka dhiibtay doorashadii madaxtooyada ee uu ku guulaystay madaxweynaha la doortay ee cusub Md. Muuse Biixi Cabdi oo isagu in ka badan 50% helay codka kalsoonida ee shacbiweynaha. sidoo kale waxaan bogaadinayaa guddida doorashada qaranka oo si hufan oo daah-furan iskaga xil-saaray mas’uuliyada qaran ee ay shacbiga u hayeen oo tan iyo markii xilka loo dhaariyey maraaxil kala duwan oo culayskooda leh la soo maray sidii ay dalka u gaadhsiin lahaayeen doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana intii lagu gudo jiray u diyaar garawgeeda duruufo waayahooda lehi ku hareeraysnaayeen, illaahay mahadiise ku guulaystay in 1642 goobbood ay subaxnimadii bishani ahayd 13 codkooda ka dhiibtaan dadka intii kaadhka doroashada haystay. Geedigaas dheer ee loo soo maray in doorashadan oo ay shalay galabnimadii guushu ku raacday murashaxii madaxweynaha ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Saylici. Waxaan leeyahay Madaxweynaha cusub aniga oo ku hadlay magacayga, ka dhalinyarada aan afhayeenka u ahay iyo guud ahaanba ka beella-weynta Garxajis waxaanu Md. Madaxweyne Marka hore ku bogaadinaynaa guusha aad ka gaadhay doorashada, marka xigtana wanu kuu ducaynaynaa, annaga oo kaa filayna in aad noqoto madaxweynihii qaranka gaadhsiin lahaa himillooyinka dalku higsanayo, Illahayna waxaanu ka baryaynaa in uu masuuuliyada dhabarka laguu saaray ee hogaaminta qaranka uu kugu garab galo. Haddaanu nahay shacbigaagiina waxaanu kuu ballanqaadaynaa inaanu ku hareero taagannahay kulana shaqayn doono. Sidoo kale waxaan halkan ka hambalyaynayaa murashaxiintii kale eelabada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI iyo ku xigeennadoodii Eng. Feysal Cali waraabe iyo Dr. Cabdraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo iyagu mawqif muwaadinnimo kaga fal celiyey natiijada doorashada. Si gaar ah waxaan Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbigiisa ugu bogaadinayaa go’aankii geesinnimada lahaa ee uu xalay ku aqbalay natiijada doorashada, kuna caddeeyey in uu ku qanacsan yahay guusha Madaxweynaha cusub, waxaanan leeyahay Md. Guddoomiye inkastoo tan iyo markii lagu gudo jiray tirinta codadka uu jiray werwer shacbiga ku gedaannaa oo ay ku xeernaayeen dareeno laga qabay mawqifka aad murashax ahaan iyo xisbi ahaanba qaadan doonto haddii aad weydo guusha doorashada, Illahay mahadise ha ka gaadhee waxaa ay dadku ku diirsadeen hadalkii xalay aad ku aqbashay doorashada oo wallow aad eed sheegasho ku ladhay haddana uu runtii tudhaalle badani ka muuqday, waxaanan leeyahay waad asiibtay tanaasulka aad samaysay, waanan kugu bogaaidnaynaa.
Waxa kale oo aan iyagana bogaadinayaa dareennadii ay madaxda dhaqanka Somaliland ka bixiyeen shaqaaqooyinkii ka dhacay Burco iyo Ceerigaabo ee doorashada oo ka hor intii aan lagu dhawaaqin khasaaraha dhaliyey. Si khaas ah waxaan Suldaanka guud ee Somaliland Suld. Maxamed Suld. Cabdiqaadir Suld. Cabdillaahi iyo Suldaanka guud ee galbeedka Burco Suld. Maxamed Suld. Xirsi qani ugu ammaanayaa sidii ay iskaga xil saareen deminta shaqaaqadaas iyo xasilinta taageerayaashii gadooday markii ay warbaahinta soo hor fadhiisteen wakiilladkii xisbiga WADDANI ee komishanka, kuwaas oo hadal aan meesha ku jirin ummada u sheegay, oo dhawaaqoodu sababay shaqaaqo khasaare mood iyo noolba lahaa, Illahaay waxaan ka baryayaa in uu naxariistiisa ugu deeqo dadkii rabshadahaasi ku nafwaayay, waxa sidoo kale aan xaal gole joog ah ka bixinayaa hantidii shaqaaqadaas ku waxyeellowday oo dabcan dadkii iska lahaa hantidaasi ay ahaayeen kuwo aan geyin.
Hadal iyo dhammaan waxaan ku soo gunaanadayaa weedhaydan aynu meel uga soo wada jeedsano qarannimada Somaliland oo marxalad cusub gashay doorashadanina ay indhaha caalamka kusoo jeediday, madaxda cusub ee la doortayna ay ku qaabilno wada shaqayn wacan.
Alla Mahad Leh
Eng.Abshir Axmed Maxamuud
Afhayeenka dhalinyarada beellaha Garxajis
Hargeysa, SOmaliland