Hargeysa(Hubaal) – Proff. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland ayaa Wareysi dheer oo uu habeen hore siiyey telefiishanka Qaranka, waxa uu ka hadlay arrimo badan oo xaasaasiya, kuwaasi oo ay ka mid yihiin sida looga midho dhallin karo qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, qabyaaladda iyo wadajadallada Soomaaliya.
Axmed Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay inaanu 23 sanadoo arag qorshe cad oo xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland soo maray kaga midho dhallinayaan qadiyadda qaranka Somaliland, sidaa daraadeed loo baahan in la sameeyo istaraatiijad cad oo oo marayo arrintaasi.
“23 Sanadood anigu ma arag qorshe dhamaystiran oo lagu iibin gaynayo qadiyadda Somaliland, waxay u baahan tahay xoolihii iyo dadkii karti ahaan qaadi lahaa oo aan ahayn qof kaligii socda, laakiin ah koox aqoonteedii, qorshaheediiba u dejisan yahay. Tusaale aan u soo qaato wada hadallada, haddii ay noqonayaan sidii kuwii hore ee hawada iyo budhcad-badeedda oo kolba shan wasiir meel wada fadhiistaan, waxba qadiyadda Somaliland ka midho dhali maayaan. Laakiin haddii shirka lagu ballansan yahay Istanbul oo lagaga wada hadallayo Masiiriga umadda lagaga wada hadlayo, waa maxay ajandaha ay Somaliland la tageyso…?..” ayuu yidhi Aqoonyahan Samatar, waxaanu intaasi raaciyey “Mid waynu isla garanaynaa oo dadkeenu waxay doonayaan inaynu dalnimadeenna xaqiijino oo ay ictiraafkeenna ka helo, laakiin adduunka wax kasta oo aad doonaysaa kuuma suurto-gal oo jacdad iyo dhib baa ka buuxda, markaa haddii ay inoo suurto-geli waydo taasi, waa maxay qorshaheenna labaad. Waa inuu caddaadaa oo shacabkeennu og yihiin, istaatijiyadda aan sheegayo ayay taasi ka mid tahay, waxaan qabaan haddii aynu taa haysanno inaynu garteenna ugu guuleysanayno si hawl yar, markaa siyaasadda arrima”
Axmed Ismaaciil Samatar, waxa uu su’aal galiyey waxa wufuudda Somalikand uga qayb-gala wada hadallada Somaliya ay u hoggaamin waayeen cid aan ahayn beesha dhexe “Marxaladda aynu ku sugganahay waxyaabaha sii xoojin lahaa waxa ka mid ahaa in dadka reer Somaliland ay weftiyada caynkaasi ah u dhan yihiin, lagama baxsan karo su’aasha la is waydiiyo ee ah maxaa mar kaliya loo waayahay qof ka soo jeeda Sanaag-bari, Gabooye ah, Sool ama Borama oo hoggaamiya qorshayaasha noocaas ah.
Proff. Samatar waxa kale oo uu ka hadlay urur gobolleedka IGAD ee dhawaan ku shiray Magaalada Muqdisho, waxaanu sheegay in go’aamada ka soo baxay aanay saamayn ku yeelanayn Somaliland “IGAD waa urur yar oo aan saamayn weyn ku lahayn siyaasadda adduunka, kana dhex muuqan fagaarayaasha adduunka, waxaana markiisii hore loo sameeyay arrimaha deegaanka oo siyaasad shaqo kuma laha, laakiin markii dambe way galeen, waxayna inta badan soo saaraan qoraallo dhaadheer, markaa waxaan qabaa in aanay Somaliland saamayn ku yeelanayn, haddiise ay Muqdisho ku shireen waa tallaabo ishaareysa in halkaa nololi ka jiri karto” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray oo uu ka hadlay xukuumadda cusub ee Soomaaliya yeelatay, kuwaasi oo lagu soo daray xubno u dhashay Somaliland “Arrinta dawladda cusub waa halkii kuwii hore mareen uun, koton wasiir oo badidoodu yihiin kuwii hore, waxba ma soo kordhinayaan sidaan anigu qabo…Somaliland-na waxa uga dhex muuqata hambadii siyaasadeed ee loo tuuri jiray uun, Raysal-wasaare ku xigeen aan xafiis ahayn iyo wasiir arrimo dibadeed oo aan awood lahayn, oo xitaa safiirrada la Magacaabayo uu Madaxweynuhu u yeedhanayo, waa hambada shacabka reer Somaliland iska naceen..”
Axmed Samatar waxa kale oo uu ka hadlay heerka qabyaaladdu ka mareyso Somaliland “Dadku waa inay iska maydhaan Qabyaaladda, Qabiilku wuu ka iman karaa shacabka, xukuumaddana wuu ka iman karaa. Kan maanta inna haysta ee laga qaylinayo ee inna aafeeyay, xudduntiisa ugu weyni waa fakhriga, waayo waxay nahay dad faqiir ah, markaa waxa soo baxay rag is urursaday oo ama siyaasadda haka yimaaddaan ama hor-joogayaasha qabiilooyinka haka yimaaddaane doonaya inay qabiilkaasi wax kasta ku dumiyaan. Waxaana baa’biin kara caddaaladda oo keenaysa in dadku is jeclaadaan oo quluubtoodu isku furanto, Somalilandna ku sii adkaato iyo in lala tagaalamo jahliga iyo faqriga, waayo Somaliland waxay ka dhalatay xanuun gaadhay shacabka oo burburiyey jacaylkii ay midnimadii hore ku qaateen. Dawladda ay hoggaamiyaan Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici ama xukuumadda ka dambaysa ha noqotee waxa u taalla sidii muxabbada, wada jirka iyo kalgacalka Somaliland loo soo nooleyn lahaa, taasina halka ay ka bilaabmaysaa maaha ciidamada oo wax ilaaliya ee waa in wadnahaaga iyo wadnaheygu isku xidhmaan, waxayna taas keenaysaa in wax fool xumi kuu qurux badnaadaan, taasi ayaynu u baahannahay, qabiilkana taasaa ayaa lagu soo afjari karaa. Haddii kale halka ay maanta mareyso oo dhallinyaradii oo u badan 30 jir iyo wax ka yar uu dhex xulay, haddaan tallaabooyinkaasi wax lagaga qaban, waxay noqon doontaa khaatumo xumadii Somaliland. Waayo waxaynu ku sii shubmaynaa hog madow oo hoostiisa baa’ba iyo dhibaato ay jiraan…”
Axmed Ismaaciil Samatar, oo la waydiiyey hankiisa iyo inuu hayo damac ah inuu ka mid noqdo hoggaamiyayaasha Somaliland, ayaa ku jawaabay “Dadka reer Somaliland ayay u taallaa inay timaaddo hoggaamintayda dalku, anigu intaan caafimaad qabo waxaan jecelahay in Somaliland waxa ay haysato wax kale oo ka wacan gaadhsiiyo, haddii aan qaban waayana waddada saxda aan ku duwo baabuurka, haddii kale aan ka tago oo aan idhaahdo sii wata mustaqbalkiina” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Laakiin siyaasadda Somaliland si bay u xidh xidhan tahay, xisbiyadu si bay u xidh-xidhan yihiin, waddooyinka loo marayo anigu garan maayo, markaa waxaanu u daynayaa shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliland ee haya Mufaatiixda lagu furayo siyaasadda xidh-xidhan, waxaanu daynaynaa inay albaabada noo furaan oo halkaasi laga dhaqaaqo, in waddanka lagu biiriyana waa waajib aan laga baxsan Karin”
Samatar uu si dadban u muujiyey sida uu xilligan ugu han weyn yahay inuu siyaasadda Somaliland door ku yeesho “Reer Somaliland waxaan leeyahay ama siyaasadda ha noqoto ama si kale ha noqotee hadla oo ha la ogaado waxaad rabtaan. Ma waxaad doonaysaa inaan kolba daaqad idinku garaaco oo aan idin idhaahdo waxa la I yidhaahdaa Axmed Ismaaciil Samatar, wax idinka yimaaddaan oo gacmuhu ha is gaadhaan, dabadeedna halkaa aynu ka dhaqaaqno” ayuu yidhi.
xigasho:somalilandtoday