“Anigu Axmed-Siilaanyo Waan Kala Xishooday Xaqii Aan U Lahaa Inaan Xilka Ka Tago, Codkana Waxaan Ugu Ridayaa Saaxiib-badey”

0
23

Waxaa Uu Madaxtooyada Dhexdeeda Ka Caddeeyay Mawqifkiisa Shirka Golaha Dhexe

Wasiir Cukuse Oo Sababta Uu Kooxdii Is-casishay Uga Hadhay Ku Sheegay Tudhaale Uu Madaxweynaha ugu Talo galay

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse), ayaa ka Hadlay Sababta keentay inuu ka hadho saaxiibo ay isku fikir yihiin oo dhawaan xukuumadda ka dareeray, kuwaas oo cabasho ka muujiyey fikir uu dhawaan madaxweynuhu ka qaatay Cidda Musharraxa Kulmiye Noqon doonta.Cukuse-1

Wasiir Cukuse oo shalay hadal arrintan la xidhiidha ka jeediyey madal uu wasiirkii hore ee Madaxtooyadu xilka ku wareejiyey ayaa ugu horrayn si weyn u ammaaanay Wasiirka xilka wareejinayey, waxana uu sheegay inuu Xil la’aanta xataa saaxiib kula sii ahaanayo,

“Shantii sano ee xukuumaddu xilka haysay Xirsi waxa uu ahaa wasiirka madaxtooyada, waxana aanu ahayn dad saaxiib ah oo dadka iskugu dhaw. Waxan qirayaa inuu xirsi ahaa nin adag oo karti badan muddadii uu joogayna si sharaf leh usoo shaqeeyey.sidii aan xirsi saaxiib ula ahaa Ayaan Maxamuud shaania saaxiib ula ahaanayaa, Xirsi-na dibaddaanu saaxiib ku ahaanaynaa.” Ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa sii wata, ayaa si toos u ah u sheegay inuu codkiisa marin doono halka saaxiibadiisa siyaasadda oo haatan xukuumadda dibadda ka ahi ay maraan, waxana uu yidhi,

“Su’aasha iigu badan ee E-Mailkayga Buuxisay Telefoonna igu dishay waa maxaad Saaxiibadaa uga hadhay?. Waxan doonayaa inaan idiin caddeeyo saaxiibadday wixii aanu ku ballansayn waxa ay ahaayeen inaanu Codka meel u wada ridno marka shirka Golaha dhexe la gaadho ee murashixiintu soo baxdo, imikana codka dhinacoodii baan u ridayaa, laakiin Axmed Siilaanyo ayaa la shaqaynayaa inta uu xilka hayo.”

Mudane Cukuse waxa uu sheegay inuu ka-tegidda xilkiisa wasiirnimo uga tudhay Madaxweynaha oo uu sheegay inuu sharaf badan u hayo,

“Axmed siilaanyo aniga wuu I magacaabay oo wuu I sharfay isagaana xaqaa lahaa inuu xilka ii magacaabo, waxa kale oo uu leeyahay inuu xilka iga qaado anigu xaqa aan lahaa ee ahaa inaan xilka ka tago Axmed-siilaanyo waan kala xishooday.” Ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir, ayaa saaxiib dhaw la ah wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada, waxana uu ahaa la filayey inuu xilka ka tago, maadaama kooxdii ay isku aragtida ahaayeen kuraasta Banneeyeen, balse kursigiisa wuu sii xejistay inkastoo uu sheegay inuu codkiisa marin doono Halka ay Axsaabtiisu mareen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here