“Waa La I Weydiiyeyba [Inaan Xil-doon Ahay] Laakiin Waan Ka Cudur-daartay, Madaxweynaha Iyo Xisbiga Madaxdiisuna Way Ogyihiin Oo Anigu Waxaan Ahay……. “
Axmed Cabdi-dheere- Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Axmed Cabdi dheere ayaa meesha ka saaray in uu xil ka qabto xukuumadda uu soodhisay madaxweyne Muuse Biixi isaga oo sheegay in hankiisu ka sarreeyo in uu wasiir ka noqdo xukuumadda balse uu meel kale ku socdo, waxaana uu sheegay in loo soo bandhigay in uu ka mid noqdo xukuumadda balse uu ka cudur dartay. Axmed Cabdi-dheere waaa uu ku dooday in madaxweynuhu ogyahay halka uu guddoomiye ahaan hankiisa mustaqbalku ku wajahan yahay, iyo damaca uu higsanayaba sidaasi oo ay tahay aanay qorshihiisa ugu jirin in uu xil ka qabto xukuumaddan iyo dabcan xukuumaddii ka horreysay ee Madaxweyne Siilaanyo toona. Geesta kale Axmed Cabdi dheere waxaa uu ka hadlay wada hadallo uu sheegay in ay u furmi doonaan madaxda xisbiyada mucaaridka ah gaar ahaanna xisbiga WADDANI oo uu sheegay in ay ka war sugayaan imaatinka guddoomiyaha xisbigaasi oo safar dibadeed kasoo laabtay dorraad, waxaana uu meesha ka saaray in ay jirto wada hadallo ay dhinacooda kaga baxeen xisbiga WADDANI, sida ay qaar kamid ah madaxda xisbiga WADDANI ku sheegeen. “Xisbiyada mucaaridka ah [wadashaqayntooda] aad baanu u soo dhawaynaynaa, meel kastana waanu ugu tagaynaa haddaanu nahay xisbiga KULMIYE, waananu ugu ballanqaadnay inaanu la kulanno guddoomiyaha xisbiga [WADDANI], welina waanu sugaynaa”. sidaas ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi-dheere oo maalintii shalay xog warran kooban oo arrimahan ku saabsan magaallada Hargeysa ku siiyey telefishanka ERYAL, waxaana uu intaa ku daray “shalay buu yimi [guddoomiyaha WADDANI] wada hadallona way noo socdaan, ballan aanu lahayn oo aanu ka baaqsanayna ma jirto, laakiin wali waxaanu sugaynaa xisbiga WADDANI gaar ahaan sidii aanu ula kulmi lahayn guddoomiyahooda, waayo xisbigu waa xisbi qaran, wada shaqaynina way naga dhaxaynaysaa , iyagana waxaanu u doonaynaa in sidaasi aanu u rabno inay noola shaqeeyaan si lamid ah ay iyaguna noola shaqeeyaan., insha allaahu dhawaanna waa ay noo suurto galaysaa oo waad arki doontaan saxaafadiinu” ayuu hadalkiisa ku ladhay Md. Axmed Cabdi-dheere.
Geesta kale mar wax laga weydiiiyey sida uu arko xukuumadda cusub ee ka dhalatay xisbiga KULMIYE iyo golaha wasiirrada ee uu soo dhisay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaa uu guddoomi ku xigeenka 2aad ee KULMIYE sheegay in uu mar kasta la shaqaynayo xukuumadda ka dhalatay xisbigiisa, inkastoo uu carrabka ku dhuftay in hankiisa aanay ku jirin inuu wasiir ka noqdo xukuumadda, waxana uu yidhi “Madaxweynaha iyo xisbiga madaxdiisuba way ogyihiin oo anigu xil waan hayaa, waxaanan ahay guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga [hase yeeshee] haddaan wasiir doonayo dawladdii hore ee KULMIYE wasiir kamaan noqonin, tanna [xukuumadda cusub] ka noqon maayo wasiir iyo wax ka hooseeya toona ee meel kale ayaan u socday, madaxweynuhuna wuu ogyahay oo kamaan codsan xil oo waala i weydiiyeyba laakiin waan ka cudur daartay”. ayuu yidhi guddoomiye kux igeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere. Dhawaan ayay ahayd markii uu madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi golihiisa wasiirrada ku soo daray qaar kamid ah hoggaankii sare ee xisbiga KULMIYE ooay kamid ahaayeen guddoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbigaasi Maxamed Kaahin Axmed oo loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha inuu noqdo iyo afhayeenkii xisbigaasi Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo isna loo magacaabay wasiirka xanaannada xoolaha.