Hargeysa (Hubaal) Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir ayaa si kulul jawaab uga bixiyey, war xajiin ku ah dhaqanka iyo Karaamada Bulshada, gaar ahaana wasiirka wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, kaasi oo uu kula kacay Muwaadin reer Somaliland ahi. Maxamed Axmed Beddel Sharma’arke ayaa ku faddeexadeeyay wasiirka warfaafinta Somaliland, Mud. Guribarwaaqo, buug wasiirku qoray waqti hore.
Maxamed Axmed Beddel Sharma’arke ayaa dumarka Somaliland, gaar ahaan beel kamid ah beelaha Somaliland soo hordhigay weedho ku qornaa buugga wasiir Guri-barwaaqo qoray, isla markaasina si aan ahayn ujeedada iyo micnaha buuggaasi xambaarsan yahay ugu macneeyay Dumarka iyo bulshada kale wax-ma-garatada ah, si uu u ceebeeyo wasiir Guribarwaaqo oo markaasi ay isqabteen, kaasi oo ku sheegay inuu si ula kac u aflagaadeeyay dumarka beelaha Ciidagale.
Suldaan Maxamed oo ka hadlaya ayaa yidhi; “Waxaan Leeyahay Maxamed Axmed Beddel Sharma’arkoow, Dabkaad Hurisay Ee Aad Ku Kicisay Dumarka, Waad Ku Qaldanayd.
waxa haboonayd, qofka aad adigu wax ka sheeganayso inaad u sheegto, laakiin bulshada (Dumarka) inaad war aan jirin aad gaadhsiiso, adigay foolxumo kugu tahay. mana fiicnayn inaad hablaha Ciidagale ku xaaldoonato. Dumarkana waxaan leeyahay Buuggan waxa la qoray 2012-kii, waqtigeediina lama joogo. Ninkaa Maxmed Axmed Beddel arrintaasi wuu ku khaldan yahay, wixii isaga kala gudboonaana muu hagaajin, ee fidno kale ayaa sii kiciyey.” ayuu yidhi Suldaan Maxamed
Dhinaca kale wasiirka warfaafinta oo isna kelmad kooban ka yidhi amuurtan ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan;
“Buuq aan qoray berri hore, daabacaddiisiina aan Hargeysa kusoo saaray 2012-kii, Jaamacadda Hargeysa aan kusoo bandhigay. Ujeedadii gabaygaa la wareejinayo ee dumarka lagu kiciyay, runtii anigu dumarka waan u hiilinayay, dhaqan xumada ay kula kaceen raggii maansooyinkaa tiriyey, in diintu kasoo horjeeday, dhaqankeennuna kasoo horjeeday, lana xukumay oo lagu xukumay in Gabayaanimada lagaga saaro, ayay ujeedadaydu ahayd. Iyo Inna Cabdalle Xasan oo isaguna dumar kale caayay, oo waliba si qaabdaran u caayay, inaan isaga la xukumin, laguna sheegay Sheekh iyo halheey. Ujeedada aan buuggan u qarayna caynkaas bay ahayd. Buugguna sidaa aan ujeedadiisa sheegay, sheeko imika ah may ahay, ma dhici karto igamana suurtowdo, inaan Hooyaday iyo Habrawadaagyaday, iyo Ilmaabtiyadeey iyo Ehelkeeygii aan aflagaadeeyo. Anigu waan u hiilin jiray Dumarka, xaga suugaanta haddii la eego, qoraalada aan qoray waxa kamid ah; in aan Suugaanta Haweenka reer Somaliland aan cagta hoosteeda la galin karin, aniga oo aaminsan inay ka suugaan badan yihiin Ragga.
Ninka Hawshaasi runtii sheegay, anigu sida uu sheegay Jaamacadda anigu kama aan eryin. Sharciga Jaamacaddu waxa weeyi, Ardaygu inuu u dhigo nin isaga ka aqoon badan, haseyeeshee heerkii Jaamacaddeed ee laga doonayay muu gaadhin, Jaamacadda ayaana eriday. Berrigaa inankaasi uu cabanayay, waxa noo yimid Suldaan Maxamed oo imikana agtayda fadhiya, arrintii markii loo sheegayna, suldaanku sidii buu ku aqbalay oo uu yidhi; haddaanad heerkii la doonayay gaadhsiisnayn, Jaamacadda inaad ka shaqeyso maaha.
Tan kale ee imika laga hadlayo ee wasaaradda, maba ogeyn anigu inuu wasaaraddaa u shaqeeyo, oo anigu waxbarashada uun baan ku ogaa, mana ogeyn inuu isagu (Maxamed Axmed Beddel) meesha ka yahay agaasime waaxeed, iimana iman. Imika hadduu ii yimaadana, dee wasaaradda uun baa arrintiisa qiimaynaysa, oo anigu ma ahi ka wax qiimaynaya, oo hay’adda shaqaalaha ayaa qiimayn ku samaynaysa shaqaalaha, taasina mid aan masuul ka ahay maaha.” ayuu yidhi wasiir Guri Barwaaqo
DAAWO MUUQAALKa Shirka jaraa’id