“Anigu Garan Maayo Nin Ka Xajiimo Badan Abiib Timacad Waa Ninka Gobollo & Degmooyinka Qaar Aan Waji Siinayn, Waxanse Leeyahay Macal Cune Muuqan Doone.”

0
59

 “Ismaaciil Yare Waxaan Leeyahay ‘Waa Ayaandaro Inaad Xil Usoo Doonato Ninkii aad xafiiska ka xidhay Oo Aad Weliba Ugu Cadhooto Xilbuu Isiin Waayay’

maxamed aadan

Hargeysa (Hubaal) Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo shir jaraa’id ku qabtay Huteel Saw ee magaaladda Boorama ayaa Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay afhayeenka xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal Maxamed Aadan; “ Ismaaciil Yare midh baan odhanayaa, runtii waxa uu xisbiga Kulmiye kusoo biiray isagoo godob badan ka galay oo uu ahaa ninkii xafiiska Kulmiye ka xidhay, nimaad dishay oo aad xil usoo doonatay waa ayaandaro inaad xil usoo doonato oo aad weliba ugu cadhooto xilbuu isiin waayay. Ninka labaad ee aan ku jawaabayaa isna waa Abiib Diiriye, ‘Abiib waa uu caytamayay, madaxweynaha ayuu caayaya oo waxaanu qabina ayuu ku sheegayay, xisbiguu xajiimaynayay. Anigu ma garanayo Abiib nin ka xajiimo badan oo anigu isaga waan garanayaa. Haddii ninkii gobollada iyo degmooyinka qaar aan waji siinayn, uu isagu xajiin bilaabayo oo uu xagxagasho bilaabayo, waar waa lays garanayaaye, Macal Cune Muuqan Doone.”  Ayuu yidhi afhayeenka xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal Maxamed Aadan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here