“Xilku Waa Meerto Oo Anigu Ma Ogiye Haddii Waqtigeeddii Ay Noqo Waa Sidii Kuwuu Hore Xilka Looga Qaaday Uun”
Mooshin Xil Ka Xayuubin Ah Oo La Weriyey In Golaha Deegaanka Berberi Kaga Takhallusayo Maayarkooda Iyo Cabdishakuur Cidin Oo Isu Dhiibay Dareennada Kasoo Hor-jeeda
Hargeysa (Hubaal)- Warar isa soo taraya ayaa sheegay in mudaneyaal ka tirsan golaha degaanka ee degmada Berbera ku hawlan yihiin mooshin xilka lagaga xayuubinayo maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin. Mudaneyaasha ayaa la wariyay inay ka soo horjeedaan hogaaminta duqa Berbera ee dawladda hoose iyo mudaneyaasha golaha degaanka. Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo isagoo dalka ka dhoofaya saxaafaddu waydiisay qorshihiisa arrinta ku saabsan xil ka xayuubintiisa ayaa sheegay inaanu hayn mooshin xilka lagaga qaadayo balse haddii ay rumowdu uu ku qanci doono, sida maayaro horeba xilka looga qaaday. Duqa Berbera oo arrintan ka hadlaya ayaa sheegay inuu Berbera kaga yimid nabad iyo iyadoon dhib ka jirin amma aan mooshin laga keenin “Anigu waxaan imid anigoo sharaf leh oo karaamo leh oo dadkaygu I jecel yihiin, go’aygii iyo gurigaygiina waxaan kaga imid nabad qab, wax dhib ah iyo wax balaayo ahina may jirin,” ayuu yidhi Maayarku. Duqa Berbera oo sii hadlaya ayaa sheegay in haddii Alle ka dhigo wakhtigii xilka laga xayuubin lahaa uu aqbali doono “Kollay xilku waa meerto oo haddii wakhtigii Illaahay u qoray ay noqoto, anigu ma ogiye hadday wakhtigeedii noqoto dee waa sidii kuwii hore xilka looga qaaday uun, maalin buu ninku yimid waanu ka baxayaa,” ayuu yidhi Duqa Berbera. Maayarro hore ayaa xilka laga xayuubiyay kadib markii ay saluugeen mudaneyaasha degaanku hogaamintooda degmada iyo xildhibaannada golaha degaanka.