“Anigu Goob-joog & Makhraati Midna Kamaan Ahayn Kulanka Xirsi Sheegay In Marwadu Noogu Yeedhay Ee Ku Saabsanaa In Madaxweyne Siilaanyo Isku Casili Gaadhay, Warkaasi Maaha War Xaqiiqo Ah”

0
14

“Haddii Caafimaadka Madaxweynuhu Khaldanaa Dal-Na Muu Maamuleen, Guulna Ma Gaadheen, Xirsina Kama Warami Karo Meel Aanu Joogin” – Maxamuud Xaashi Cabdi- Wasiirkii Xilka Kala Wareegay Xirsi

“Axmed Siilaanyo muu ahayn maxbuus ay xaaladdiisa ka warrami karaan koox kooban… Haddii uu Xirsi buugiisa ku xusay inay 5-tii sano ee uu wasiirka Madaxtooyadda ahaa ay [Aamina-weris) ahayd marwo gurigeeda ku kooban, labadii sanno ee danbana sidii uun bay ahayd, Xirsina kama warami karo meel aanu joogin”

Hargeysa (Hubaal) – Wasiirkii Hore ee Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in aanu goob joog ka ahayn madal uu madaxweynihii hore ee Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu iskaga casilayay xilkii uu qaranka u hayay, wakhtigii la doortay ka dib. Maxamuud Xaashi Oo Daba socday Buugga  Miyiga Ilaa Madaxtooyadda oo uu dhawaan soo saaray Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu kaga sheekaynayo Madaxweynihii hore ee Somaliland oo mar isku dayay in uu is casilo.

Hadaba qoraal kooban oo uu Maxamuud Xaashi soo dhigay Bogga uu ku leeyahay Facebookga ayaa waxa uu ku yidhi  “Ma jecli inaan faah-faahin ka bixiyo buuga uu wasiirkii hore ee Madaxtooyadu qoray, waxaan jecelahay inaan gor-fayntiisa u daayo shacabka Somaliland, waa ta koowaade anigu goob-joog iyo makhraati midna kamaan ahayn kulanka xirsi sheegay in marwadu noogu yeedhay ee ku saab-sanaa in madaxweyne Silaanyo is-casili gaadhay, warkaasi maaha war xaqiiqo ah.  Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Silaanyo waxaan ahaa gacan-yarihiisii wakhtigii uu ahaa murashaxa xisbiga KULMIYE,waxaan ahaa todoba sanadood wasiir xukuumadiisa ka tirsan, labadii sanno ee u danbeeyayna waxaan ahaa gacan-yarihiisii gaarka sidaas awgeed caafimaadka madaxweyne Silaanyo waxa uu ahaa mid wanaagsan, caqligiisa iyo maskaxdiisuna waxay ahayd taam taasina waa ta suurta gelisay in Axmed Silaanyo todobadii sanno ee uu ahaa madaxweynaha uu dalkani kala soo dabaashay duruufo adag oo kala duwan, haddii caafimaadka madaxweynuhu khaldanaa dal-na muu maamuleen, guulna ma gaadheen, Axmed Silaanyo muu ahayn maxbuus ay ka warrami karaan xaaladiisa koox kooban, waxa uu ahaa nin ballaadhan oo aanay waxba u qarsoonayn.

Marwada 1aad ee Madaxweyne Siilaanyo Marwo Aamina Maxamed Jirde waxay ahayd sida uu Xirsi-ba buugiisa ku xusay haweenay waxbaratay, kana danbaysa ninkeeda iskana dhawrta fara-gelinta maamulka dawladda, sidaas darteed haddii uu Xirsi buugiisa ku xusay inay 5-tii sano ee uu wasiirka Madaxtooyadda ahaa ay ahayd marwo gurigeeda ku kooban, labadii sanno ee danbana sidii uun bay ahayd, Xirsina kama warami karo meel aanu joogin.

Wabilaahi Tawfiiq. 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here