“Anigu guul-weydaynta ma aqaanno, laakiin Daahir Rayaale si fiican baan ugu guul-wadeeyey aniga oo KULMIYE la dagaallamaya…..”Xasan Xaydh

0
57

Xasan Oo Macneeyey Sababtii Uu Daahir Rayaale U Difaaci Jirey

1V8A3960

 Hargeysa:(Hubaal)-Siyaasi Xasan Cabdi Maxamuud(Xasan-xaydh), ayaa si taxadar leh u sharraxay tallaabooyinkii ee uu ku difaaci jirey xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale, waxana uu ku adkaystay inuu u arkayey inuu hoggaamiyahaasi u wanaagsanaa Somaliland.

Siyaasi Xasan Xaydh oo ka hadlay madal uu maalintii shalay isaga iyo taageerayaal uu wataa kaga soo biirayeen KULMIYE, ayaa xusay inaanu dhaqan u lahayn dabeecadda guul-wadaynta, balse uu waqtigii madaxweyne Rayaale go’aan ku gaadhay inuu af addinba ku difaaco xukuumaddaas, waxana uu yidhi, “Anigu guul-weydaynta ma aqaanno, laakiin Daahir Rayaale si fiican baan ugu guul-wadeeyey aniga oo KULMIYE la dagaallamaya, sababta aan ugu guul-wadeeyeyna waxa ay ahayd taa aynu maanta ku joogno ee nabadgelyada iyo dawladnimada leh madaxnimadiisa ayeynu wax badan ku helay, waayo markii hore waxa la odhan jirey reer baa meesha xuurto ku haysta, markii dambena inuu guulaysto waan jeclaayo nimankii madaxda ahaa bay xaggooda wax ka dhicisoobeen.”

xasan xaydh

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xusay inuu madaxweyne Siilaanyo sameeyey horumar ballaadhan oo dhinacyo badan ah, isla markaana uu dhaxalka waxqabadkaas iska leeyahay guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, “Siilaanyo waxa uu ahaa ninka ku dhacay waddada 370-km ah ee dawladihii waaweynaa ku dhici waayeen ee maanta loo soconayo Afarta saacadood, lacagtii la beddelay iyo derejada ciianka, waxaas oo dhammina waa waxa uu Muuse Biixi ku ololayn doono, waana waxqabadka KULMIYE,” ayuu yidhi siyaasi Xasan Cabdi Maxamuud.

Hadalka Xasan, ayaa kusoo beegmaya waqti ay doorashada madaxtinimada Somaliland muddo kooban ka hadhsan tahay, isla markaana qaadadashada kaadhadhka lagu codayn doono laga soo gebogebeeyey laba gobol oo dalka kamid ah, halka marka ay bisha Ramadaan dhammaatana laga bilaabi doono gobollo kale oo Maroodi-jeex kamid tahay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here