Baashe Cawil Oo Si Faahfaasan Uga Hadlay Jiritaanka Eedaha Awood maroorsiga la xidhiidha Ee Loo Jeediyo
Hargeysa:(Hubaal)-Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka carabta Md. Baashe Cawil, ayaa iska difaacay eedo inta badan si shakhsi ah loogu jeediyo oo la xidhiidha inuu si gaar ah u maroorsaday awoodo aanu lahayn, waxana uu sheegay inuu bulshada kale la mid yahay, isla-markaana wax aanu samaynin dusha laga saar saaro.
Ambassador Baashe Cawil oo u warramay Telefishanka Hctv, ayaa shaaciyey inaanu adeegsan wax ka baxsan awooddiisa sharci ee uu leeyahay, isla-markaana dad caydiisa u tafo-xaydani suuqyada tax-taxaashayaan oo aanu waxba kasoo qaadin, waxana uu yidhi,“anigu shakhsi baan ahay, kuwaadin baan ahay, awood aan leeyahay oo dheeraad ahina ma jirto, haddii ay jirtona maalin iyo habeen waa la I caayaa dadka I caayaana suuqay iska joogaan, maalin walbana wax aan jirin iyo hadal deelqaaf ah baa la iga sheegaa, kamana jawaabo, laakiin waxa aan ahay iyo waxa aan qabto shacbigaan u daayey.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu farta ku fiiqay oo uu xusay inaanay haboonayn inuu dhibbane u noqdo oo lagu aflegaadeeyo xidhiidhka qoysnimo ee uu la leeyahay madaxweyne Siilaanyo, waxana uu codsaday in ciddii dembi ku haysaa kusoo caddayso,“anigu awood dheeraad ah oo aan leeyahay ma jirto, laakiin in aan dhibane u noqdo madaxweynuhu wiilkii uu la xididka ahaa weeye oo la igu caayaa daw ma ah, wixii xun ee aan sameeyona halla sheego, haddii la igu soo caddeeyona dadkaan la simanahaye maxkamad halla igu geeyo”ayuu yidhi Ambassador Baashe Cawil.
Ambassador Baashe isaga oo ka hadlaya dadka naqdiya waxa uu sheegay inay kuwaasi yihiin kuwii aflegaadayn jirey madaxdii kala dambaysay ee dalka soo xukumaysay, waxana uu yidhi,“kuwii madaxweyneyaashii hore ee Somaliland eedaynayey uun baa maantana qaar badani dacalka I haystaan oo I eedaynayaan, eedayduna waxa ay bilaabantay aniga oo aan xil qabanin, madaxweynuhuna aanu xil qabanin.”