Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan
Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somalia Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa ku adkaysatay inay ku dheggan tahay midnimo soomaaliweyn, waxana ay caddaysay inay dagaal dheer u geli doonto sidii midnimo dambe loo heli lahaa.
Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo Magaalada Muqdisho ugu warrantay Telefishanka Star Tv, ayaa sheegtay inaanay Cadho ay Muqdisho ka qaadday u iman doonin Somaliland, “Anigu intaan Cadhoodo marnaba odhan maayo Hargeysaan Tegayaa, anigoo xor ah oo wax qaban karaanan Hargeysa tegi doonaan.”ayey tidhi Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.
Marwo Foosiya oo Hadalkeeda sii watada, ayaa sheegtay in iyada iyo Dhammaan Xildhibaanada Somaliland kasoo jeedaa isku raacsan yihiin helitaanka Xuquuqda Somaliland ka maqan, waxana ay tidhi,“annagoo 61-xildhibaan ah oo Somaliland ka soconna shirar baa noo socday waxana aanu ka hadlayaa sidii Somaliland xaqeeda u heli lahayd oo si wanaagsan la isu hor fadhiisto oo wax lagu heshiis yahay la isla gaadho.”
Foosiya waxa sheegtay inay Somaliland iyo Somaliyaba tahay, maadaama Ubadkeedu kasoo jeedaan Deegaanada Somalia, iyadoo intaas raacisay inay Midnimadu ka go’an tahay, “Anigu Somaliland iyo Somaliba waan ahay waayo caruurtaydu waa Reer Mudug, dhaqanka Somaliduna Gabadhu labadaba way tahay, Soomaaliyina inay midowdo Ayaan jecelahay.”ayey tidhi Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.